Xukuumada Jabuuti oo ka codsaday Somaliland in la Ilaaliyo Qabriga Sheekh Ciise oo deegaankiisa laga helay DAHAB

Xukuumada Jabuuti ayaa ka codsaday xukuumada Somaliland in la ilaaliyo qabriga Sheekh Ciise oo ku yaala deegaanada gobolka Sanaag ee dhowaanahan la sheegay in laga helay dahabka.

Qunsulka dalka Jabuuti u fadhiya Somaliland Md. Xuseen Cumar Kawaaleye oo dhowaan booqasho ku tegay gobolka Sanaag, isla markaana soo booqday qabriyada Sheekh Isaxaaq iyo Sheekh Ciise ayaa ka codsaday xukuumada Somaliland inay xoojiyaan amaanka deegaanka qabriga Sheekh Ciise Binu Axmed ku yaalo, waxaanu yidhi, isagoo weriye Maxamuud Walaaleye wax ka weydiiyey socdaalkiisa,

“Booqashadii aanu ku tagnay qabriga Sheekh Ciise, waxuu noo sheegay muriidka ilaaliya, inay dhibaato ku hayaan dadka raadsada dahabka lagu sheegay gobolka Sanaag. Waxaan ka codsanayaa xukuumada Somaliland iyo wasaarada Arrimaha Gudaha inay xoojiyaan amaanka qabriga Sheekh Ciise, oo ku yaala deegaanka dahabka ugu badan laga helay, oo laga xidho, lagana celiyo dadka qodaya.

Md. Kawaaleeye oo ka hadlayey socdaalka uu ku tegay gobolka Sanaag ayaa sheegay in Sheekh Isaxaaq binuAxmed iyo Sheekh Ciise binuAxmed walaalo ahaayeen, waxaanu yidhi,

“Sheekh Isaxaaq iyo Sheekh Ciise walaalo ayey ahaayeen, laba wada-dhashay ayey ahaayeen. Ummada ka tafiirantay Sheekh Isaxaaq iyo Sheekh Ciise waa dad walaalo ah. Qabriga Sheekh Ciise ayaan soo booqday, qabriga Sheekh Isaxaaq inaan imaadana waajib ayey igu ahayd.”

Qunsulka dalka Jabuuti u fadhiya Somaliland Md. Kawaaleye ayaa ugu baaqay dadka ka soo tafiirmay Sheekh Ciise inay ka qeybqaataan dayactirka qabriga Sheekh Ciise, waxaanu yidhi,

“Waxaan nasiib u yeeshay inaan imaado oo qiimeeyo waxuu u baahan yahay qabriga Sheekh Ciise, si aan ugu wargeliyo beesha Ciise nin walba waxuu gargaar iyo caawimaad ku biirsanayo, oo waxuu ka qaban karo ka qabto.” Ayuu yidhi Md. Kwaaleeye, isagoo raaciyey,

“Waxaan leeyahay haddaba, annagu qabrigii waanu joognaa, siyaaradii waanu keenay, waakan muriidkii nala jooga, si fiicana waa loo daryeelay. Fariinta aan dirayaa waa in la daryeelo qabriga oo deyrka loo dheereeyo, ceelkii biyaha oon lahayn motor soo saara iyo qasabo laga cabo, masaajidka la balaadhiyo, gaadhigii loogu shaqeynayey, waxuu u baahan yahay dhamaantood, intaan soo qiimayno ayaan idiin soo tebin doonaa.”

Socdaalka Qunsulka Jabuuti u fadhiya Somaliland Md. Kawaaleeye ku tegay gobolka Sanaag oo qaatay muddo shan maalmood ah ayaa maanta ku soo gurya-noqday caasimada Hargeysa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker