Emaratka Oo Markale Cadeeyay Siyaasadiisa Somaliya Meeshana Ka Saaray Hadalo Xukuumada Somaliland Kasoo Yeedhay Khashifayna Muuse Biixi

Wasiirul dawlaha arrimaha dibadda ee dalka Imaaraadka Carabta Dr. Anwar Qarqaash, ayaa sheegay in Imaaraadka Carabtu aaminsanyahay Soomaaliya mid ah, wuxuuna sheegay in UAE ay awoodaan xaqna u leeyihiin inay taageeraan dadka reer Somaliland.
Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa shalay baahisay warbixin dheer oo ay ciwaan uga dhigtay “Imaaraadku waxa ay Milateri ahaan isku fidinayaan Yemen iyo Soomaaliya”, taas oo ay kaga hadashay

Ciidamada Imaaraadka Carabta oo toddobaadkii hore tagay jasiirada Suqadara, iyagoo ciidamadu watay Taangiyo iyo diyaarado dagaal.
Wakaaladda Reuters, waxay warbixinteeda qayb ka mid ah ku waraysatay wasiirul dawlaha Arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta Dr. Anwar Qarqaash, oo sheegay in taageerada ay u fidinayaan Somaliland iyo maamulada kale ee Soomaaliya aanay UAE ugajeedin in la kala qaybiyo Soomaaliya, wuxuuna sheegay inaanu jirin khilaaf u dhexeeya UAE iyo dawladda Soomaaliya.
“Siyaasaddayada ah in aanu aqoonsannahay Soomaaliya mid keliya ah, weli waa halkeedii .. Laakiin, isla markaasna waxa aanu awoodnaa in aanu dadka Somaliland ka caawino mashaariicda bani’aadanimo iyo horumarineed.” Intaas ayay wakaaladu ku soo koobtay hadalka uu Dr. Anwar kaga hadlay arrinta Somaliland iyo Soomaaliya.

Wakaaladda Reuters, waxa ay ka hadashay xidhiidhka iskaashi ee u dhexeeya Somaliland iyo UAE oo ay tilmaantay in UAE ay sii xoojinayso kaas oo salka ku haya maalgashiga DP world ee dekedda Berbera.
Warbixintan Reuters, waxa kale oo lagu soo qaatay waraysi uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi siiyay wakaaladda Reuters, markii uu safarka ku tagay dalka Imaaraadka Carabta, wuxuuna Madaxweyne Biixi sheegay in Imaaraadka Carabtu Somaliland ka caawinayaan dhinacyada ammaanka iyo horumarka iyo la dagaalanka argagixisada. Sidoo kale saldhiga ay UAE ka dhisanayso magaalada Berbera ayaa isna waxa Reuters u xaqiijiyay madaxweyne Biixi, waxaanay Reuters isku xidhay saldhiga milatari ee UAE ka dhisanayso Berbera iyo ciidamadooda tagay jasiirada Suqadara.

Hadalka Kasoo yeedhay Dawlada Emaratka Carabta ayaa meesha kasaaraya warsaxaadeed xukuumada Muuse Biixi ku sheegtay inay Emaratku ka raali galiyeen hadal hore oo uu yidhi wasiir Gargaash in Midnimada Somaliya muqadas tahay taasi oo Somaliland ku sheegtay in Emaratku war cusub kasoo saarayaan raaligalina ka bixinayaan,Xoolahana ka dhoofsanayaan Somaliland taasi oo warbixintani meesha ka saartay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker