Dalka Burundi Oo Lagu Dilay 23 Qof

Wararka ka imaanaya dalka Burundi ayaa sheegaya in ugu yaraan 23 qof ay dileen burcad hubeysan oo ku sugan waqooyi galbeed dalkaasi oo ku dhaw xuduudda Jamhuuriyada Dimoqaraadiga ee Congo.

Inkasta oo dadka weerarka geystay aanan heybtooda la garaneyn haddana rabshadahan ayaa kusoo beegmaya maalma uun ka hor aftida dadweyne ee ka qabsoomeyso dalkaasi, taasi oo laga yaabo in uu muddada ku dheereysto madaxweynaha haatana talada haya ee dalkaasi.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in burcad hubaysan ay guryaha galayeen oo ay dadka tooganayeen sidoo kalana ay tooriyeenayeen. Sarkaal ku sugan gobolka Cibitoke ayaa sheegay in qoys dhan uu halkaasi ku dhintay kaddib markii gurigoodii dab la qabadsiiyay.

Ma ay cadda cidda weerrarn qaadday hasayeeshee waxa uu weerrarkan imanayaa maalma un ka hor aftida uu muranka badan ka dhashay ee loo qaadayo dastuurka, taas oo laga yaabo inay horseeddaba inuu Madaxweyne Pierre Nkurunziza xilka sii hayo ilaa 2034.

Kooxaha mucaaradka ayaa waxa ay wacad ku mareen inay carqaladayn doonaan aftidaasi. Go’aankii uu Madaxweyne Nkurunziza ku gaaray inuu xilka mar saddexaad u tartamo 2015-kii ayaa waxaa ka dhashay deganaanshiyo la’aan baahsan taas oo tan iyo markaas ay ku dhinteen in ka badan kun qof.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker