Ciidammada R-R-U-da Oo Gacanta Kudhigay Hub Gaadiid Iyo Qaar Kamid ah Malleeshiyo-beeleedyada Ku dagaallamaya Degaannada Deg Ceel-afweyn

 

 

Ceerigaabo(OWN) Wararka nagasoo gaadhaya Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in gelinkii danbe ee maanta Ciidammada R-R-U-da ee kusugan Degmada Ceel-afweyn ay degaanka Dararweyne oo koonfur bari kaga beegan magaalada Ceel-afweyn kusoo qabteen Rag qaarkood ku hubaysan yahay qoryaha fudud oo tiradooda dhawr iyo toban lagu sheegay iyo weliba dhawr baabuur oo xammuul nooca Shaambooga looyaqaanno ah, waxana raggan lasoo qabtay iyo gaadiidkaasba loo taxaabay dhinaca gudaha magaalada Ceel-afweyn.

 

Arrintan ayaa ka dhalatay kaddib markii Ciidammada R-R-U-du weerareeen Aagagga maalmahanba ay kala fadhiyeen labada malleeshiyo-beeleed kaddibna ay soo qabteen gaadiidkan iyo raggan hubaysan oo isugu jira labada beelood ee dirirta soo noqnoqotay muddada dheer ku dhexmaaysey degaannada Ceel-afweyn iyo meelo kale oo galbeeedka Sanaag ah.

 

Waxana arrintani qayb ka tahay dedaallo hor leh oo Xukuumadda Somaliland ugu jirto sidii loo xakamayn lahaa dirirta degaannadaas kudhexmaraysa labada beelood ee degaannadaas kuwada dhaqan.

 

Dhinaca kalena waxa wararku intaas kusii darayaan inuu jiro saluug laga qabo sida ay colaaddan wax uga qaban karaan wefti wasiirro uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland “Maxamed Kaahin” oo gelinkii hore ee maanta iyaguna soo gaadhey magaalada Ceel-afweyn maaddaama dhawr jeer oo hore oo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland uu hawshan dhexgalay balse aanay waxba ku dhammaan waxqabadkiisii.

 

Oodweynenews.com/Ceerigaabo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker