BOOLIISKU WAY DADAALAYAAN ,WADA MARIDDA SOMALILAND MIISAANIYAD KHAASA BAY U BAAHANTAY

Gaadiidku Wuxuu Ka mid yahay laf dhabarta dhaqaalaha ee wadan kasta inuu si wax soo Saar leh oo hadday shaqo tahay hadday isgaadhsiin badeecadeed tahay ,hadday bulsho gaadiid tahay ama (services) bixin tahay waa waxa nolosha wadan kastaa KU xidhan tahay markaa wada Marid in la kordhiyo mooyee wadan in la yareeyo oo la cunna qabateeyo wada maridda KU fikiraa ma jiro. Mar walba oo Shil baabuuro dhacaan Somaliland gudaheeda Waxaa madaxda police KU isla soo taagaan shaadhadaha hanjabaad aan wax Soo kordhin (improvement) wax Soo kordhin  mushkiladii udambeeyeen KU jirin iyo cannaan darawalada KU waajahan intaasina mushkiladda isku dhaca baanuurta xawaaraha KU socota waxba Kama qaban karto. Madaxda booliisku itaalkooda way dadaalayaan laakiin waxba kama tari karaan mushkiladda taagan Somaliland ee soo noqnoqonaysa. Mushkiladda waxaa Ka masuula Xukuumadda oo Madaxweynuhu know Ka yey. Mushkiladdani waxay u baahan tahay miisaaniyad dawladeed oo BALLAADHAN oo wadada maridda Somaliland gobol kasta wax Ka qabad KU samaysa . Ta koobaad ugu yaraan in askar badan loo diro tababar oo weliba ardayda jaamacada kasoo baxday u badan  oo cadaalad lagu Soo soocay reer walba IYO gobol walba lagu daray . Waa in madaxda booliiska iyana tabar la SIIYAA, wadooyinka waa in boodhadh iyo calaamado loo sameeyaa, xawaaraha SOMALILAND gaadhi kasta oo magaalada ama meel la deggan yey marayaa waa inuu KU SOCDAAN 30km/hour Ka magaalooyinla u Kala gooshaya waa In engine kasta lagu joojiyaha 70km/hour markuu cidlooyinka marayo oo wasaaradda gaadiidku gaadhi aanay jeegaray aanuu wado Marin gaadiidku hawshaa kharashkeeda bixiyaan. Miisaaniyad Xoog leh bay arintu u baahantay , madaxda booliisku Inay shacabka u hanjabaan waxaa Ka habboon oo Ka saxsan Inay Madaxweynha iyo Wasiirka Daakhiliga u hanjabaan WAAYO kuwa shaqadoodii Baal marsani waa iyaga, lacagta Malaaayiinka ah ee Madaxtooyaa lagu dhisanaya iyo FATOOKHA NOOCAAS AH WAA IN LA GELIYAA WADA MARIDDA IYO TABABARKA BOOLIISKA IYO CALAAMADAHA WADOOYINKA.

Manhajka wax barashada Somaliland waa in lagu daraa maadad wadda MARIDDA oo dugsiyada-dhexe iyo kuwa Sare iyo Jaamacada wadan KU wadan ah Inay dhigaan. Markaa mujtamaca xagga wada maridda isbedel weyn baa Ka imandoona si dhaqsa ah. Talada Madaxweynaha KU socotaa waa wasiiraddaada Tayo xumaa Ka muuqata weliba Saaxiibkaaga Daakhiliga IYO Ka Wasiirka Gaadiidka oon khibradba Ka muuqanin hadalkiisa IYO waxqabadkiisaba.
MBashe

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker