Boliiska Kenya Oo Sheegay In ay Baadi-goobayaan Nin ka tirsan Shabaab

Boliiska Kenya ayaa sheegay in baadi goob xooggan ugu jiraan nin ka tirsan Al-Shabaab oo looga shakiyay inuu damacsan yahay weeraro ka dhan ah ammaanka.

Afhayeen u hadlay Boliiska Kenya oo lagu Magacaabo, Charles Owino ayaa Daily Nation u sheegay in Anthony Munyasya oo loo yaqaan Abdalla uu yahay xubin qatar ah oo ka tirsan Al-Shabaab, kaasi oo kasoo dagaalamay kuna soo tababartay Soomaaliya 2014-kii.

Charles Owino , ayaa intaa ku daray in Cabdalla uu xiriir dhow la leeyahay Cabdinuur Xasan, oo ah Nin ku eedeysan inuu xubin weyn ka yahay Shabaab. Qoraal kasoo baxay Boliiska dalka Kenya Jimcihii Shalay ayaa lagu sheegay inay ku raad joogaan ninkan, kaasi oo la sheegay in uu hubaysan yahay halisna ku yahay nabad gelyada Kenya.

Anthony Munyasya oo loo yaqaan ‘Abdalla’ ayaa sidoo kale ku eedeysan inuu ka dambeeyay Kaniisad hadda ka hor lagu gubay degaanka Kitui, oo ah halka ay haatan Boliisku ka raadinayaan. Boliiska ayaa ka cabsi qaba inuu Mr. Cabdalla weero ka geysta gudaha dalka Kenya inta lagu gudo jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan, markaas oo Shabaabka looga bartay inay kordhiyaan weeraradooda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker