Baaq Badbaado Qaran (Xasarada Ceel Afweyn)

Carabkaan ku hadlaayo,nin caleentii caddaatiyo
Caammaadaan garaneyne,kolkay cuurar dhintaan e
Cutub wayni idlaadaa,lays canaanan hadhaw e
Waar tolow colka jooja!
Abwaan Salaan Carrabey (IHUN)
Ninbaa laga hayaa “hashu maankaygii gaddaye ma masaarbay liqday “ .Sidii baanay noqotoo
shaw hashu gudin dhan bay liqday baa la yidhi oo laga soo saaray kadib markii la qalay.Hadaba
waxaan anna leeyahay reer Ceel-Afweyn maankaygii gadee ma dawladahaan daacad ka ahayn.
Waxaa hubaala in waxa ka dhacaya gobolka bari ee Jamhuuriyada Somaliland uu noqday nabar
aan bogsanayn iyo bari dhexe oo kale.Waxaana wax lala yaabo ah in marwalba la dhaarto oo
dawladu ballan qaad buuxa samayso in aanay dib u aqbalayn xasarad danbe oo ka soo mirkacda
aagaa.
Hasa yeeshee si isdaba jooga oo aan kala go’ lahayn ayey mar walba si fudud oo ay muuqato
kuwa wadaa inaanay waxba cid iskaga tirineyn uu dagaalkaasi u bilaabanayey ,hadaba arintu si
kasta ha ahaatee waxaan doonayaa in aan dhawr xaqiiqo halkan ka caddeeyo.
– Baaq badbaado qaran ayaan dirayaa
Sida dadku ku celcelinayaan oo ay ka siman yihiin kuwa xasarada wada iyo kuwa masaakiinta ah
ee ay galaafanayso iyagoon dooc iyo dareentoona u lahayn anigu baaq nabadeed ma dirayo ee
wax ka weyn oo ka culus ayaan dirayaa oo ah baaq badbaado qaran,waayo qadiyadani waxay
sababi kartaa burburka Jamhuuriyada Somaliland .
– Beelaha kale ha ka baxaan aamuska
Xaqiiqada koowaad ee aan doonayaa in aan halkan ku caddeeyo in looga baahan yahay beelaha
kale ee Somaliland inay kabaxaan aamuska oo ay si toosa uga hadlaan arintan cida wadana in
sharciga la hor keeno oo xukuumada cadaadis ku saaraan. Waayo badbaadada qarankeena ayaa
ku jirta,hadiise la aamuso oo beel walba marka daadku u soo galo qayliso waa calaamadii iyo
astaantii burburisay dawladii Jamhuuriyadii Dimuqraadiga Soomaaliya ,oo qabiilna ku dhiiran
waayey inuu yidhaa beeshaasaa khaldan beeshaana waalaga gar daranyahay ,waxaanay dhashay
waxaynu maanta arkayno.
– Xasarradani waa ta xaddidi doonta Somaliland waxay tahay
Xaqiiqada kale ee aan doonaayo una sheegaayo raga hoosta ka hurinaya waxaa weeye in aanay
ahayn ciyaartani mid fudud ee ay tahay ta xaddidi doonta Somaliland waxay tahay ; inay qaran
jira tahay oo xeerka iyo qaanuunku shaqaynayo oo si caddaalada u shaqaynayo oo ka adag inay
hanato sugida amaankeeda iyo ilaalinta nolosha dadkeeda iyo inay tahay beel cadhootay oo
soomaali ka duday.
Waxa ay tahalaysaana ay tahay baaq nabadeed oo ay sida beelaha u dirto beelaha kale ee
islaynaya , hadaba haday ta hore noqoto qaran jira qayladaasi way demi dadkuna waa walaaloobi
nabaduna way sugmi ,haday ta danbbe noqotana ,dadbadani waxay ka istaaqfurulaysan denbigey
Somali weyn ka galeen ,waayo waxay arintu noqonaysaa ( dib u soco hore u soco maxaa daal la
korodhsaday).
Ugu danbbayntii waxaan ku soo gunaanadayaa qoraalkan kooban maanta ummada Somaliland
waxaa looga baahanyahay in ay is caddayso inay qaran tahay jira oo dagaalkaa diido oo
mudaharaado waaweyn oo culimada iyo aqoonyahanka iyo waxgaradku hor kacayaan la
abaabulo oo xukuumada caddaadis lagu saaro inay joojiso dagaalka.
Maanta inooma taalo baaq nabadeedyo aan macna sameyneyn oo la diro.Ummadu fadhiga ha ka
kacdo jiritaankeeda ha badbaadsato ,oo shaqaaqooyinkaasi waa waxa cadawgu ku soo dhex
dhuuntee ha layska demiyo.
Qalinkii :
Maxamed xasan
maxasabdil@gmail.com
Mareegaha Farshaxan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker