Al-Shabaab Oo Sheegtay in Madaafiic ay Ku Garaacday Saldhiga Turkiga ee Muqdisho

Al-Shabaab ayaa sheegatay in ku dhawaad 13 hoobiye ay ku ka garaaceen saldhiga Milatariga Turkiga ku leeyahay duleedka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Weerarka ayaa la sheegay in uu dhacay subaxnimadii maanta oo Sabti ah, iyadoo dhawaaqa madaafiicda laga maqlayey guud ahaan magaalada Muqdisho, Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiiisha Milatariga Turkiga iyo Taliska ciidanka xooga Soomaaliya oo ku aadan duqeynta hoobiyeyaasha ee lagu qaaday xerada.

Al-Shabaab ma aysan bixin faa-faahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, iyo haddii haabiyeyaasha ay ku dhaceen gudaha xerada.

Turkiga ayaa xarun Milatri ka furtay magaalada Muqdisho 30-kii bishii September ee sanadkii 2017-ka, iyadoo lagu tababaray hal guuto oo ciidan ah. Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah wadamada taageera Soomaaliya, iyadoo uu Soomaaliya siiyo kaalmooyin dhaqaale iyo mid Militari.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker