Wararkii ugu Danbeeyey Xoghayihii Xisbiga Kulmiye Ee gobolka Sool Xalay Lagu Dilay

Laascaanood(OWN)- Warar kasoo baxaya dil xalay fiidkii badhtamaha magaalada Laas-caanood ee xarunta gobolka Sool loogu geystay xoghayihii xisbiga Kulmiye ee gobolkaasi, oo hada talada haya.

 

Dabley ku hubeysan Bastoolado ayaa ka dambeysay dilka marxuumka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Barkhadle Cabdi, waxaana uu ahaa nin aad u firfircoon oo shaqadiisa ku ad adag.

 

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay Allaha u naxariistee marxuumka xilliga la dilayay inuu ku sugnaa afaafka goob caafimaad oo uu ku lahaa magaalada Laas-caanood, mar qurana uu ka war helay rasaas ku socota, kadibna ay goobta ka baxsadeen raggii dilka geystay.

 

“Annigu kama warqabo sababta loo dilay, laakiin Barkhad xilliga la dilayay wuxuu xaadir ku ahaa goob caafimaad oo uu ku lahaa meel aan sidaas uga fogeyn aqalkiisa, dhalinyaro ayaa dilkiisa ka dambeysay, intaasi kadib walaal ciidan badan ayaa yimid oo baadhitaan ku haya dilkiisa, loogama baran gobolka in dilalka nuucaan oo kale ah ay ka dhacaan.” Ayay tiri gabar dadka degaanka ah.

 

 

Warar madax banaan oo ay baahiyeen warbaahinta Somaliland ayaa waxa ay sheegayaan sababta Maxamed Barkhadle loo beegsaday in ay u badinayaan aanooyin qabiil, maadaama uu ka soo jeedo mid ka mid ah laba beelood oo isku haya gobolka Sool.

 

Ciidana ammaanka Somaliland ayaa tagay goobta uu dilka ka dhacay, waxayna baarirtaan amni xaqiijin ah ka wadaan aagga uu dilka ka dhacay, iyaga oo sidoo kale ku daba jira dableydii dilka geysatay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker