OGAYSIIS

Ururka Hear Voices of Somaliland (HEVOS) wuxuu
Muwaadiniinta reer Somaliland ee degan dalka UK la
socodsiinayaa in Xaflada sannad guurada 27aad ee la soo
noqoshada Madaxbanaanida Somaliland la qaban doono
sannadkan Jimcaha 11 May 2018, maadaama 18 May ay ku
beegmayso Bisha Barakaysan ee Ramadan.
Sidaas darted waxaa si xushmad iyo sharaf leh loola socod
siinayaa dhammaan Muwaadiniinta reer Somaliland inay
kasoo qayb-galaan Xafladan oo Sannadkan lagu caawin
doono Muwaadiniin reer Somaliland oo kala ah:-
1) Xarunta Dhaqan-celinta & Daweynta Daaru Shifaa
(Hargeysa)
2) Cabdiqani Muuse Maxamed oo ah wiil uu dhaawac
culusi ka soo gaadhay rasaas ay ku fureen ciidanka
Booliska Jamhuuriyadda Somaliland dad
mudahaaraadaayay xiligii doorashadii madaxtooyada
Somaliland ee dhacday November 2017. Wiil kan oo
dawladda Somaliland ee dhibkan gaadhsiisay aanay
wax caawimo ah ka gaysan dhaawaciisa iyo
dhakhtarkiisa midna ayaa waxa la keenay dalka Turkiga
oo xaalad caafimaad oo culus loo keenay. Cabdiqani
waxa uu u baahan yahay caawimo qaran maadama ay
ciidan qaran dhibtan gaadhsiiyeen.
Cinwaanka: West Middlesex Golf Club, Greenford Road, UB1 3EE.
Wixii faahfaahin ah kala xidhiidh: 07961267590 ama 07738621953.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker