Waa sidee Xidhiidhka wakhtigan u dhexeeya Wadamada Kenya iyo Somalia

Horaantii sanadkii 2017-kii ayaa magaalada Nairobi waxa kuheshiiyay dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii madaxweyne Farmaajo uu booqaasho rasmi ah ku tagay dalka Kenya.

Labada madaxweyne ayaa xilligaas ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, iyagoona ku heshiiyay sidii la isaga kaashan lahaa dhinacyada amniga, duullimaadka, ganacsiga, maalgashiga, waxbarashada, socdaalka, iyo caafimaadka.

Waxyaabaha ugu waaweynaa ee heshiisyadaas laga xusi karo ayaa waxaa ka mid ah in muddo laba todobaad gudahood ah ay billowdaan duulimaadyada tooska ah ee Soomaaliya iyo Kenya, oo aysan sii mari doonin magaalada Wajeer ee dalka Kenya.

Diyaaradaha lagu hakinayo Wajeer

Shirkadaha Diyaaradaha ee Soomaalida ayaa sheegaya inay maanta dib u billaabeen diyaaradaha ka tagaya Soomaaliya inay ku sii hakadaan garoonka magaalada Wajeer kahor inta aanay ka soo dagin garoonka diyaaradaha Jomo Kenyata ee magaalada Nairobi.

Diyaaradaha ka tagaya Muqdisho ayaa si toos ah uga soo dagayay labadii sano ee la soo dhaafay garoonka Jomo Kenyata kadib markii labada madaxweyne ee labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ay kala saxiixdeen heshiisyo dhawr ah sanadkii 2017-kii.

Arrintan oo aan la garaneyn waxa sababay ayaa waxaa BBC-da u xaqiijiyay urur ay ku mideesan yihiin shiradaha duulimaadayada Soomaaliya.

“Arrintaas way jirtaa, maanta ayay billaabatay, shalay galab waqti dambe ayaa la soo gaarsiiyay hay’adda dulimaadayada rayidka ee Soomaaliya, maanta na Wajeer ayaa la marayaa”, sidaas waxaa BBC-da u sheegay gudoomiyaha shirkadaha diyaaradaha Soomaalida Xasan Xaashi.

Xassan ayaa sidoo kale sheegay in warkan la soo garsiiyay xalay waqti habeenimo, ayna ku khasabn yihiin inay u hoggaansamaan amarkaas.

Lahaanshaha sawirkaSONNA
Image caption
Duulimaadyada tooska ayaa bilawday kadib heshiis dhexmaray labada dal
Dhammaan diyaaradaha rayidka ee Soomaaliya ayuu sheegay in lagu amray arrinkan.

“Ma garan karno sababta ka dambeysa arrintan, dabcan waa mid dano ay ka leedahay dowladda Kenya, waa arrin ay ujeeddo ka dambeyso”, ayuu raaciyay.

Saameynta ka dhalan karta ayay shirkadaha Soomaalida shegeen in shidaal, waqti iyo dhaqaale badan uu kaga lumayo haddii diyaaradaha Soomaalida ay maraan magaalada Wajeer.

Hirgelinta duullimaadyada tooska ee Nairobi iyo Muqdisho ayuu sheegay in dhib badan laga soo maray oo ay kamid tahay in la xaqiijiyay amniga garoonka Muqdisho.

Xuduudda aan wali la furin ee labada dal

Wxayaabaha kale ee ay ku heshiiyeen labada dal markii la doortay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa kamid ahaa in dib loo furo xuduudda labada waddan, arrinkaas oo ilaa iyo iminka aysan waxba ka hirgelin.

Tusaale ahaan magaalada Mandheera ee waqooyi bari kenya oo ay xad wadaagaan Beledxaawo ayaa dadka deegaanka oo BBC-da la hadlay waxay shegeen in xuduudda ay wali xiran tahay, ayna kasii dartay markii magaalada Mandheera laga afduubay dhaqaatiir u dhashay dalka Cuba, oo ka howgalayay isbitalka guud ee Mandheera.

Lahaanshaha sawirkaKDF
Image caption
Guddiga difaaca barlamaanka kenya oo booqday xadka.
Maxaa hor taagan in xadka la furo?

Rajadii laga qabay in dib loo furo xadka ayaa u muuqata mid mugdi sii galeysa, shacabka labada dhinac ee ay arrintaasi khuseyso ayaana isweydiinaya halkii uu ku dambeeyay heshiiskii madaxda labada waddan ay ugu gogol xaarayeen in arrintaas la hirgaliyo.

Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed oo loo yaqaanno Cabaas, oo ah Suxufi ka faallooda arrimaha siyaasadda ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa BBC-da uga warramay fikirkiisa ku aaddan sababaha hor taagan in ugu dambeyn xadka la furo.

“Caqabadda ugu weyn ee aan suurta galineynin in la furo xuduudda waa amni darrada. Dowladda Kenya mar walba waxay caqabad kala kulantaa dhibka uga imaada xadka, iyadoo uu xiranyahay, marka waa shey mustaxiil ah in lagu deg dego, oo iyadoo cilladaas jirto xadkii la sii furo, waayo waxaa iska muuqata in amni darrada ay kasii xumaan karto sidii hore”, ayuu yidhi.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay baahida loo qabo in dhinaca Soomaaliya laga helo gacan.

“Howsha waxay sahlanaan lahayd haddii dowladda Soomaaliya ay leedahay ciidan xoog leh oo ammaanka ka xaqiijiya dhinaca Soomaaliya, si looga war qabo cidda soo gudbeysa. Laakiin mar haddii aysan taasi jirin way adagtahay in tallaabadaas xilligan la qaado waxayna horseedi kartaa khatar ka weyn midda haatan jirta”.

Inkastoo haatan la soo celiyay xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo kenya ayaa haddana wali waxaa muuqata in wali uusan ahayn sidii hore, madaama dowladda Kenya ay Soomaaliya ku eedeesay inay iib geysay shidaal ay sheegtay in uu ku jiro dhul ay ku doodeyso inay leedahay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker