GABAY FARIIN TUKE YURUB ISMAACIIL FAALIYE

ACW maantana waa tixdii fariin tuke,iyo huga tus waayeell
waxaanay maansadu ka curatay xili tahriib lagu lee,day

————————————————————————-

nin haduu gaboobo wax badan dunida guud joogo

gadaalbuu ka haasawin jiray geeduu maraye

gab-gab faranji gaadh iyo dadaall gaalo camallkeede

———————————————————————-
halku dhagii ABWAAN DALAAYAD RABI HAW Naxariistee
————————————————————————–
hadii aad maqli jirtay iyo hadii aanad maqalba waxa
jira ama la xaqiijinayaa inay jiraan shinbiro u kala goosha

caalamka badaha  buura iyo daruurahabana isaga gudba

hadaba aniga laftaytu kuwaas mid ka mida ayuunbaan

tixdan gabayga ah farayaa cidii aan taa rumaysayna

waxa jira dhawr sano ka hor in barnaamij ku saabsan

shinbiraha caalamka isaga gudba laga soo duubay sland

gaar ahaan gobalka sanaagg meesha la yidhaahdo

rabshiga iyo tabca ninka soo duubay magaciisa waxa

la yidhaahdaa terri qofkii u baahan inuu daawadana

yuotubaka ayuu ka heli karaa isagoo ku qoraaya buurta

rabshiga hal qabsiga gabaygana ninkaa barnaamijka soo

duubay magaciisa waan ku xusay  waana terri maansadina
waxay ku bilaaban tay sida tani soo socota ka bogasho wacan
——————————————————————————-

eegoo taniyo waagii turaab aadan laga uumay

farxad laga dhex toosiyo aduun waa naxdini tiilye

tiifiiyadan akhbaaraha intaa faalo tabinaaya

websityadan ah talan-taaligiyo taxane facbookan

warka taarka laga sheego iyo moobil telifoonka

qaarbaad tiflaysaa ilmada talalaxlaysaaye

anba dhawaaqu u tumaati iyo dhiiladaa timiye

adaa kayse midhahaa  turjumi tafatirkoodaase

dayartaadd yar taabsiin macnaha tiimamkaa kacaye

ana tutucyo miisaamo culus waan tayayn jiraye

tixdaan xalayna gamiwaayay,ee turuqday maankayga

bal aan tiriyo waataadd murtida igu tuhmayseene

——————————————————————–

dhalintii wax tarilayd dhamaan tarantii soomaali

tarabtarabka waakuwaa go.ee tiray cadaawuuye

tacab ubadka waalidkii wax badan kula tacaalaayay

tacsi waxaan u dirayaa ehelo taabtay geeriduye

intii dhimatay hadii ay tagtooy aakhiro u talowday

rabi tayasir taa ay mareen hawga tudho naare

uurku taaladoodaa gocasho murugadoodd tiilye

takfiirkooda qoysaskii ahaa taah ka hadhi waaye

eeboow samirrka taam uga yeel fahanka tawxiidka

————————————————————–

darbaa gabayga marka ay tirshaan dheeligii tirine

waa tis qaadse kii aan idhaa aan turxaan wadane

afartaasi tiiraanyo culus waa tacsida guude

afar kale waa iga tilmaan huga tus waayeell ah

————————————————————-

waa tiro sagaaloo aduun abid tobnoobayne

waxa talaba goblan looga dhigay teedan aakhiro.e

wax tollmooni loo qabo marbuu toobad seeg yahaye

waxaad tabayso adigoon helaynn tamarna aad u wayday

tashuushbuu ku galiyaa adoon taag u haynn badane

inaad toyato qaarbaa qalbiga laga tir yeelaaye

hashii laanka sii tiigsatee gabi ka tuuryowday

waxa hoday tigaadii markay laac is tidhi geede

isaguna tabteed noqoy caqliga hilin ku toosnayne

taraagg aan jihaysnaynn ayaa lay is tilmaamaaye

ruux ka tagay dhulkiisana hubaal laga tun roonaaye

jeel iyo taxaab iyo tagxiil waa tu, uu sugiye

markii tacabir loo jeedsadee loo talamay dhoofka

tafo xaydna loo  wada ordee laysba tabi waayay

qofba tamanigiisana is yidhi taajirr noqon maanta

habqan socodka tafaraaruqaad tacajabaysaaye

weerarrkiyo taraysada waxaa lays tumaatiyayo

tafantoof colaadeed tanaa tahano sii dheere

tusbax go,ay sidiisana tahriib tolmahaa u baxaye

xeryihii tikraygiyo maqale taandho lagu meershayay

badhamiyo taseeriyo xadkii muranku taagnaaday
toobiyaha kharrtuum iyo dhibtiyo saxarahaa teedsan

masar iyo tuniis iyo turkiga jiida taban  yaaca

toroboliyo liibaya xumay tacadi gaysteene

toora wadada lagu leeday ee lagu tabaaloobay

tuunbo ubaddka nimankaa ku jaqa tawsa bahaloobay

ruux hadiisi tii ay gashaan looga taag heline

badahaa talyaaniga wax badan waa la tiinbadaye

inta mawjad ay soo tuftaan tiro la koobayne

qorshe li.idu taariikh madow waa tasoow dhala.e

madaxdoodaa talisaa dadkana laga tix raacaaye

teedhiin sano wax sii dheer intaa uu tubkeen lumaye

samirr lagu tanaasulo marbaa lagu tanaadaaye

sidii xayn habaas tuman cirkoo roob tif laga waayay

inba taashka waakaa u xidhan  tariigg kaatibiye

isku tookha nimankaa ka adagg hadalka tiifiiga

ee tunkooda intooy daawadaan hamashle toodheeya

tahliwaaye tawfiiq, qudhooy tamarr ku  yeeshaane

tuug qabyaaladd lagu taabacaan toosinaynn qarane

midi-midiyo lagu taagayaa teena dhaawacaye

tiir is haystay umadaa ahee laysku tirinaayo

xuduud laga talaabayn ragbaa ood tiskood- dhigaye

intay qoloba calan ay tosheen tuute ay marisay

tuulahooddna ay moodayaan dowladnimo taag leh

tafantoofna waaxyaha hashii tuludii loo qaybshay

tusmadeeda soomali waa tacab khasaaraade

alahayoow na takeer aday taada noqotaaye

——————————————————————

darbaa gabayga marka ay tirshaan dheeligii tirine

waa tis qaadse kii aan idhaa aan turxaan wadane

tadan kalena haadoow faariin toosabaan ku fariye

——————————————————————

dalsan udubku waa teedsan yahay tog iyo buuraaya

taariikh iyo wax sheeg togan ayaan ku dul marayaaye

shinbiryahoow tan aan imi tusmadan kaa aqoonsadaye

taleex iyo dhulkeediyo halkay taxantay soomaali

Daaqsin iyo tigaad nool gayigay lagu tanaad yeelyeh

bankii tuuyo baalalay ku sugan waad la qaab tahaye

tukaa yurub ka tagayoow adaa tabin warkaygaase

adigaa taraaggyada u baxa meel kastooy tahaye

adaan taayir shaagoo banjaray taradh kharaabane

talowgaagu afirikuu yahoon lagu tilmaamayne

tabahaaga badahaad dul mari room talyaaniga,e

geestay taalo soomaalibaad qun u taqaanaaye

akhbaar terri soo duubi jiray waa tibaax  mudane

tartarkaad rabshiga dhigan tabcana waad ku daal  bixiye

tin cadlihiyo geedkii ku mudi tiinka mooyaane

isku taag dhirtaado adoo kor u tiraabaaya

darka tuman magaaliyo miyiga toonka iyo tuule

dagta iyo tunkoodiyo garbaha tuurahaa, u, rarane

wiilba kaartu tii, uu yiqiin dhabar tukaalaynta

dhumashaday tukubayaan baqaha toorahaad garane

soo tahriibka kuwoodaa rabee soo tigtigan haatan

heedhe waxaad tidhaahdaa adoo taxaya gabaygaykan

———————————————————————-

toobad seegtay soomaliyeey tororoggtiinii dheh

tadarr qaadi maalkay lahaydd taah mirqaan madhi dheh

tiiraanyo geestiin  qabiil tacadi naafee dheh

waxaad taxadka hoos ugu xigtaan waa ab tiris qoys dheh

intaad adigu isku tookhayseed tookasho is dilaysay

tisciin saniyo totobaatanaa loo tartamay dheef dheh

isku tiirsanaanbaa ilayn lagu tanaadaaye

tafaraaruq soomaaliyeey waa tunkaa sudhan dheh

cimilada dalkiiniyo tayadu caalam, maba tiil dheh

badu waa tamuux qani dhulkana xoolahaa tuman dheh

tikaar qodasho waa dharagg talaall beero loo kaco dheh

tuskii roobi kayntuu ku da,o way tuftaa midho dheh

soomaalina tahriibaa ayay lee,taa tarab dheh

dawarsiyo taraaraha qurbaha tuugsibaa u qoran dheh

xoogiin turuq laxaadkiin sidii toojo yuu gudhin dheh

iyaguba tabaaliyo kol mare shay tacluus adagge

yurub tacabku hawll yari ma iman toodho iyo faan dheh

hayeeshee tartiiba dadaal loo tiriig shiday dheh

taygan luqunta cunahaa la sudho teetalbuu yahay dheh

markii diinta tawxiid xaqii taarigg laga raacay

taqwadii islaamkuna baryahan waa tashuush badan dheh

soomlidan  tasowdaay mudaa turun turowdeene

idina waydun toosnaan hadii,aad isu tudhaysaan dheh

teel iyo banaan iyo arrlada tiiro iyo buuro

qoomba meel- la teedshaa ilaah dhigay turaabtoode

waxay tahayba ciidiyo dhulkiin tiina aamina dheh

iska dhuranka towtawda madhan haw dhag taagina dheh

ma tigaantigg yeeshaan bar-baar tuuray waanada dheh

talo waalid kuwa diidayoo tadhadhaqlaynaayay

tarbiic liica gaajada wax badan tiice oo lume dheh

dhunyaall iyo tahriibaa hadii laga tacliin eegto

qaar horaan tin laga hayn intooy teri gareeyeen dheh

wax ku taamill qaataay jabkiyo shalay tusaalaa dheh

haan gunbay ka tolantaa salkaa laga tis raacaaye

dhul ma mare indhaha tiran iyaba waa tiraab hore,e

taftii hooyadaa iyo halkay gogoshu kuu taalay

adoon dhaafin tiirkiina iyo baro ka tooskiina

oo aan dunida waayaha tunaba saban ku taabsiinin

tabaq dhoonka waa lagu lumaa taargadd yooll- li,iye
wiilba tawda habarrtii ku tabi soo war tabintiiye

iska tooci toorahaadd aqoon taar gal waa qalad dheh

col taraaray isagoon war qabin mooyi tuu mudan dheh?

wax soo taransigiinuna fartii yuu tog dheer noqon dheh

taajir iyo fiqiirkuna nolosha way tartamayaane

mag tub iyo arsaaqdiin hubaall ku tawaad qoran dheh

tusmaa samirrna lagu hiigsadaa tiigso leedahaye

ninba tacabna tii, uu dhigtuu toga ka malaa dheh

ruuxa tiinka beertana timiri may u soo bixin dheh

xansharaad tabtoodiyo takfida  hays tir goynina dheh

cadaab laguma tuuroo naftuna qaalibay tahay dheh

taban iyo aduunkaa dhib iyo tabasho taalaa dheh

tabaabushiyo tuu magaana tiro xisaabtiiya

ruuxba tiigso hadafku lahaa iil yarbuu tagi dheh

ma gafuu tab kaartiyo shax iyo taatikuu dagaye

hadhaagoow tunkiiniyo kalyaha toorayda ka jira dheh

waa tafaafil sidan,  aad wadaan siidh go, tarameed- dheh

tawraadd iyo ijiin iyo furqaan taxane diinteena

taariikhda may dhicin malaha waar tan oo kale dheh

waa akhiru sabaankii tirsigu uu tilmaan qoraye

galbeedd toyatay soomaali, iyo geedi tahan dheere

tubtoodii xadiisyada wakhtigan toobada ku dhaga dheh

tawxiidkiyo quraankiyo casharo laga tuf qaadaayo

ale iyo tawaabaha qalbiga samo la tuugaayo

tafaasiisha culimooy xagiin badi taxliilaa dheh

taban-taabsho inkastooy ku siin taakulayn lacagg ah

waa wax taarigg ka soo galoon aan wax tarahayne

yurub tacabka yaaliyo shaqadu taabud noqon waa dheh

xaraan tuludi niriggtay dhashaa waa tabteed u dhigan dheh

taran ma laha maal deeqsigood gaalo tumataa dheh

tin cadlay ujeed li,i santina taano bixin waaye

intooy noo tawaabaan dib kharash u tabaan dheh

waa dhaqaale taagaysanoo dheeli loo tiray dheh

waa tareenka ku adeeg tak iyo toonka suuqyada dheh

ama tuhuna aan qabay baryana tikidh u soo goostay

oon tigaada yurub gaadh lahaa doolarada tuulan

hamo tamani taan maaganaa taab kumaan dhigin dheh

shay la taabto sharcibuu i taray toogo reer yurub dheh

warwarbaase taa dheerr hadii taajirr lay qabo dheh

maantana toloow iyo tafikirr taaganbaa jira dheh

anigoon tawaawicin waxan helana tuuryeeya

gunta hadalku halka ay tahaan idin yar taabsiine

afrikaayna tuhunkaagu badan dhawda tilifoon dheh

yurub dhaqana waa uu tirmaa diina maba taal dheh

caruurrtana tartiibaa intaa loo tashanayaa dheh

hayeeshee tabtaasaan hadana kula tacaalaa dheh

intaan karayo waan tiiriyaa taag xilkay yahay dheh

taclintooda ku dadaal iyo hooy tarbiyadood-dheh

rabaan ducuda uga tuugayaa tukasho layllki dheh

tisqaadkooda waan jeclahay taabo galistoode

haduu ubadku ii tooso,ooy kala tasaw yeelan

ama waa u tukubayaa inaan tawakall siibtaa dheh

haday tacabir dhoofaan dadkuna tooda huri waaye

wax noo dhaama maan aragg tukokoow taynu leenahay dheh

calafkaana meeshaad tagtaba kula talaabeeye

markaan labada tootaliyo, een eebo talo saarto

yurub joogis teer halkeen teene door biday dheh

ale u siman tuule aamin iyo toranto u tahriib dheh

qofkii maalka intoo loo tamilay lacagta loo toomshay

iyo tarayga shaahaba mid gada timirta kaa miisa

ruuxba taano irsiqq loo qoraan tahari dhaafayn dheh

balse ninba turaabtii libaax taykarr noqoy aarr dheh

aqoonbay tolkaa iyo xigtadu ku ab tiriyaane

toonkii suuqa waheen ayaa lay tix galin laaye

halkii xeradii taar dheer ku tiil toobiyii shacabka

ana waxaan ku taamaa dunbuluq tootashaan garan dheh

kolay taqadku wuu saaran yahay ruux qurbaa tagaye

tana naygarr madowbaan ka ahay toyasho haybteed- dheh

hadaan mawdku i tudhsiininoon teerida i marinin

tagoogaa togii herar fadhiga tusbaaxaan ku rogi dheh

dhulkeenay dhex taalaa nimcee loo tub sixi waaye

tigaad maalka daaqaa xageen tayo lahaa noole

caano tiirsan dhay iyo liskii tarabtii geeleene

dal tabyada i haysiyo waxaan tabaya waa muush dheh

ilaa toban diraacood ma aragg meel tolkay dago dheh

totobaadyo bilo kaamilaa loo kal tiriyaaye

tawxiid ku qoran waa, aan arrkaa neefaf tuludoode

xalaashoodse meeshay ka timi taa ma sii hubo,e

quud- dalaagad taxadkeed ku jira loo turqiyay aaddna

danbaa tidhiye waxaan cunaa ceesh talaal badan dheh

waxaan diiday timahaa ka badan ee turxaan lihi dheh

tafaasiil ma koobtiyo xog aan gabay tiraabaa dheh

ragg tabaaladii sheeg dumarna taash barwaaqo ahe

sida roobka baraf tiixayaa soo tif qabow daac dheh

tabtii awrrta heeryo loo tolltolay duuddka lagu tuulay

is tiggtigay dharaarr duhur maryaha aan tigraarr xidhan dheh

tafo cumar taabeeliyo tinikhba ii markhaatiyahe

waagan tiimka u ciyaari jiray bari tilmaanaaye

waxaan orodka tawlaynn jiriyo tababarkii waayo

kabo adagg talaabada  qadhbaan tukube luudaa dheh

ku tiriyo ku teentaa markaba lala dhag taagaayo

warka tibixdu kala haab ahiyo toodan waaqu,dheh

dadkii tacabirr soo dhoofayee yurubna soo taabtay

tolaahaan ku dhaartaye qof yimi hoga tus faaloo dheh

haday iyagu isku tiirsadaan looma taliyeene

teel-teelkan kala qaybsamay tamarr ku waayaane
tignoojiyada xoog iyo suunaa taagba laga roone

tafaraaruq goortay noqdeen toorin lagu maallye

caradooda muslinkii tagaa lagu tikooraaye

haka sugin tudhaalana kufriga teelo kuu dhigane

si islaamka loo toocsadoo loo tirtiro diinta
wax galbeedna  isku taabacoo taargadaa jira,e
tijaar cawarrna wuu u soo baxoo waa taroom waale

cunsuriyadu way soo tartaa yurub dhex taalaa dheh

tii ay gaalo na doonaysaan nahay tabdeedii dheh

ana gabay wuu ila tarmoo waan taraaraxaye

waxba yaanan sii tixin araarr talax tageedaase

murti tarabalkeeduba macnaha wuu tir-tirayaaye

adna yaanan waaryaa tukoow ku tan dhaaf rarine

maanso togan wax sheeg mudan midh aan tuduc la tuuraynin

taariikhda maantana ku qora adayga tiisaa dheh

——————————————————————–

waxaan hoga tusaaliyo naxwaha taxayo weedhoodna

aftall ducadu waa ay u tahay toogo qumayaaye

dhulkeeniyo turaabkiyo badaha turufo loo qaatay

tafaariiqna loo gaday sidii xoolo tuman sayladd

tiiraanyadoodaa qalbigu taam i noqon waaye

da,da toban gu, teedhiga anoo tiro yar uun dhaafay
waa waxay tukoow boos timuhu ii yihiin muruxe

tolaayeey hal door iyo ragii talo san goynaayay

wax maankaygu tabayaa midnimo lagu tanaadaaye

tiriigg lagu shidaabaa mugtiga toosh cadaynn jiraye

tir-tirsiga dadkaaga iyana lala tacaalaaye

uunkoo taaha khuurada bogtoo lugaha taagaaya

maanso tafatirkeedaan saq dhex teeb ku qorayaaye

ana waxaan u tuuraa hurtada shacab tilmaantiiye

dhagax tuujin isma doorsho iyo aayarr taabsiga
mataalkayga waxa aad tihiin male tabtaasuune
umudd qoom tasoobaa xaqiiq way tirrtirantaaye
laftii timirta lagu sheegaybaan toobin ku hayaaye

halkay taalo soomaalibaan toosa lee yahaye

alahayoow na takeerr aday taada noqotaaye

——————————————————————

curiye ismaaciil ibraahin xasan

——————————————————————–

facbook ismaaciil faaliye

——————————–

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker