Ciidamada Iiraan Ayaa Gantaalo Ku Garaacay Fadhiisimada Ciidamada Yuhuuda

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in xoogagga Iiraan ay gantaallo ku soo garaaceen fadhiisimaha ay ku leeyihiin buuraha Golan Heights ee la haysto.

Wuxuu sheegay in ciidammada kacaanka ee Iiraan ay soo rideen ku dhawaad 20 gantaal, arrintaasina ay dhacday subaxnimadii hore ee Khamiista qaarkoodna la qabtay balse aysan wax khasaare nafeed ah ka dhalanin.

Horraantii bishan ayay Israa’iil sheegtay in ay aragtay “dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn” oo ay samaynayaan ciidammada Iiraan ee gobolka ku sugan.

Ciidammadooda ku sugan buuraha Golan Heights ayayna feejignaan dheeri ah galiyeen, shacabkana waxay ugu baaqeen in ay gabaad raadsadaan.

War qoraal ah oo uu soo saaray milatariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in ay arrintan u arkaan mid adag ayna sameeyeen diyaargaraw qaabab kala duwan ah.

Jonathan Conricus oo u hadlay ciidammada ayaa sheegay in Israa’iil ay aargoosatay balse faahfaahin kama uusan bixinin.

Wakaaladda wararka ee Suurriya ee Sana ayaa mar dambe sheegtay in habka difaaca lidka diyaarada lagu soo riday gantaallo hawada Suuriya soo galay.

Xaqiijintan u dambaysay ayaana dabo socota gantaallo la sheegay in Israa’iil ay ku garaacday saldhig milatari oo ku yaalla koonfurta magaalada Dimishiq ee caasimadda u ah Suuriya Talaadadii.

Wakaaladda wararka ee Sana ayaana ku warrantay in lagu gantaal lagu qabtay agagaarka Kiswah labo ruux oo shacab ahna ay ku dhinteen qarax.

 

Horraantii toddobaadkan ayuu telefeshinka Suuriya baahiyay muuqaal uu ku sheegay gantaal ay Israa'iil soo ridday oo ku soo hoobanaya meel u dhaq Dimishiq

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker