Waxa aan go’aansaday in aan is dilo!

 

Waxa aan ku daalay noloshii, ixtiraamna kuma haysto halkan, cid i daryeeshana ma haysto, sidaa awgeed waxa aan u safrayaa Iswiisarlaand si aan isugu dilo oo nafta iskaga qaado, waayo sharciga dalkayga Australia iima oggola in aan halkan isku dilo”

 

Sidaa waxa yidhi: Professor David Goodal, 104 sanno jir.

 

Waxa aan akhriyey warbixinno laga qoray Professor David Goodal, waa professor ku takhasusay cilmiga dhirta iyo deegaanka, waxa uu muddo dheer ahaa macalin jaamacadeed iyo cilmi baadhe heer caalami ah, waxa uu soo saaray buugaag badan oo qiimo cilmiyeed oo weyn leh.

 

Professor David waxa uu u dhashay dalka Ingiriiska, waxase uu degan yahay Australia, waxa uu jiraa 104 sannadood.

 

Nink heerkaa aqooneed gaadhay, muddada inta le’eg aqoonta ka shaqeynayey, waxa uu ku noolyahay duruuf nololeed oo liidata, ma haysto cid gaadhiga ku kaxaysa, keligii ayuu ku noolyahay guri yar oo gabow awgii dildilaacday, awoodna aanu u lahayn in uu dib u hagaajiyo, ma jirto qaraabo u dhow oo daryeeshaa, hore ayey u kala hadaafeen kuwii uu dhalay iyo kuway sii dhaleen.

 

Dhowaan ayay koox daneysaa bilowday in loo dawaro si loogu helo 15 kun oo doolar oo uu ku soo booqdo xubno qoyskiisa ka tirsan oo Yurub jooga!

 

Dorraato ayuu shir jaraa’id ku sheegay in uu u safrayo dalka Switzerland si uu halkaas isugu dilo, maadaama oo dalkaas laga ogolyahay in uu qofku doonistiisa isku dilo, weliba laga caawiyo oo meel loogu talogalay nafta lagaga qaado.

 

Ma jirto aafo ka daran gaalnimadu, gaalnimadu waa sababta keentay in uu waayo ubad u ixsaan sameeya oo dayacnaantiisa astura, gaalnimadu waa ta sababtay deganaansho la’aanta iyo qanaaco darrida uu ku go’aansaday in uu nafta iska qaado, nasiib darrada naxdinta lehi waxa weeye in nolosha uu ku daalay ee uu ka cararo dhibaato ka weyni ka horreyso maadaama oo uu gaalnimo isku dilayo.

 

Ilaahay ayaa ku mahadsan in uu islaamnimo noo dooray, Allahayow diintaada nagu dhowr oo nagu oofso adiga oo raalli nooga ah- Aamiin.

 

 

Dr. Cabdiqani Xuseen (Beder)

Tubtatoosan02@gmail.com.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker