Guddiga Qaban-qaabada Xuska 18-ka Meey Oo Laba U Kala-qaadaya Gaardiska Ciidammada Iyo Khudbadda Madaxweynaha

Hargeysa,(OWN) – Guddiga qaban-qaabada Munaasibadda heer qaran ee 18-ka Meey, ayaa mar kale faah-faahin dheeraad ah ka bixiyey halka ay hawluhu u marayaan, abaabulka ay ku jiraan iyo qorsheyaasha loo asteeyey in loogu dabbaal-deggo munaasibadda la wada sugayo ee 18-ka Bisha May oo munaasibadda bisha barakaysan ee Ramadaan darteed sannadkan dabbaal-deggeeda loo soo raray maalinta ay bisha May tahay 15, waxayna ka jawaabeen eedaymo uu Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ku dhaliilay wax ka beddelidda Maalinta ay dhacayso Xuska 18-ka Meey.

Guddigan oo Maanta Madaxtooyada kula hadlay Warbaahinta, ayaa ugu horrayn bulshada u faah-faahiyey qaabka ay guddiga ahaan isla garteen in loo xuso munaasibadda Qaran ee 18-ka May oo bisha barakaysan ee Ramadaan darteed hore loo soo dhigay.

Ugu horrayn, Wasiirka Shaqo-gelinta, Qoyska iyo arrimaha Bulshada Marwo Hinda Jaamac Xirsi, oo halkaa ka hadashay ayaa tidhi “Guddi ahaan waxa aanu go’aansannay inaanu dabbaal-deggii 18-ka May u soo rarno 15-ka May, maaddaama oo ay dadku sooman yihiin oo ay bishu tahay ayaamihii ugu horraysay, sidaas darteed annaga oo u tudhayna dhammaanba bulshada noocyadeeda kala duwan, waxa aanu go’aansannay in 15-ka May ay noqoto munaasibadda salaanta iyo maritaanka ciidamada qaranka iyo bulshada inteeda kala duwan, halka ay 18-ka May habeennimadeeduna ka noqon doonto xafladdii khudbadaha iyo casho-sharaf loogu talo-galay in bulshada loogu sameeyo Madaxtooyada.”

Wasiirka gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Ciise Axmed Yuusuf, ayaa isaguna shaaciyey in maalinnimada 18-ka May hawlo badan oo khayri ah la qaban doono, maaddaama oo ay bil cibaado tahay, isla-markaana dadka jilicsan ee bulshada kamidka ah laga farxin doono.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ah Guddoomiyaha Guddigaasi, ayaa bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay si midaysan ugu soo baxaan munaasibadda 18-ka oo dabbaaldeggeeda loo soo raray 15-ka bisha May, waxaanu Madaxweyne ku-xigeenku ka jawaabay eedaymo Guddigiisa uga yimid Xisbiga WADDANI, waxaanu yidhi “Faral Ilaahay dejiyey baa la oggol yahay in hore loo soo dhigo haddii duruufi timaaddo, ka aynu innagu dejisannayna  duruuf awgeed haddii aynu soo qaddimanno wax inoo diidayaa ma jirto, intii Somaliland jirtey inay bisha Ramadaan markii ugu horraysay kusoo beegantay bisha Soon ayaa keentay isbeddelka, xisbiyada mucaaridkana inay mucaariddoodu noqoto mid wax dhista, ayaa looga baahan yahay, mid dalka kala qaybisa oo ummadda kala firdhisa waqtigeedii ma joogno, doorasho iyo inaynu wax kala jiidanno waqtigeedii wuu soo dhammaaday.”

8B7A0096

Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu caddeeyey inay xukuumad ahaan ka go’an tahay inay qaadaan tallaabo kasta oo lagu xoojinayo midnimada iyo wada-jirka bulshada reer Somaliland “Xukuumad ahaan marwalba inaanu  ummaddii doorashadu kala qaybisay midayno diyaar baanu u nahay, laakiin walaalahayaga mucaaridka ah oo waliba xisbiga  WADDANI kow ka yahay  inay weli ka shaqeeyaan inay ummaddu sii kala qaybsanaanto oo ay weliba 18-ka May wax ka dayaan runtii waa wax afkooda ku xun, Cabdiraxmaan Cirro-na waxaan leeyahay hadduu 18-ka May jecel yahay waxa laga arki lahaa fagaareyaasha 18-ka May, aniguna hal maalin baan garanayaa isaga oo 18-ka May ka qaybgalay muddadii KULMIYE xilka hayey, markay laba cisho ka hadhsan tahay ayuuna inta badan bixi jirey, umadda reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa inay maanta gacmaha is qabsadaan oo ay dareenkooda si midaysan u muujiyaan,” ayuu yidhi, Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Saylici

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker