Israel oo Qadar ka ka Codsatay inay Gabi ahaanba joojiso Taageerada ay Siiso Ururka Xaq U dirirka ah ee Xamaas

Image result for Israel Yossi Cohen vs qatar                                        Madaxa Hay’ada Sirdoonka Israel ee Mossad iyo Taliyaha ciidamada Qeybta Koofureed ee Israel ayaa Booqasho qarsoodi ah ku tegey dalka Qadar iyagoo la kulmay madaxa sirdoonka dalka Qadar.

 

Warkan oo ay daabacday Al Carabiya ayaa lagu sheegay in Madaxa Sirdoonka Israel Yossi Cohen iyo General Herzi Halevi ay la kulmeen Mohammed bin Ahmed al-Misnad, oo ah Madaxa sirdoonka dalka Qadar ahna la taliyaha ammaanka ee Amiirka Qadar.

 

Wasiirkii hore ee Difaaca Israel Avigdor Lieberman ayaa Xaqiijiyay booqashadan, waxana uu sheegay in Ra’iisul wasaaraha Israel Netanyahu uu Dalka Qatar u Diray  Cohen Bishan  February 5 si uu u Xaqiijiyo in dowlada Qadar ay Wali  sii wado maalgelinta ay siiso Ururka Hamas iyo inkale.

 

Kulankan  waxaa Wargeyska Al Arabiya ee laga leeyahay Boqortooyada Sacudi Carabiya uu sheegay in kulankan ay ka qeybgaleen Saraakiil Sarsare oo ka tirsan xukuumada Qadar.

 

Inkastoo ay Yuhuudu Rabto inay Madaxda Dalka Qatar ay ku Qanciso inay Joojiyaan Taageerada ay Dawlada Qatar Siiso Ururka Xaq Udirka ah ee Xamaas ee Reer Falastiin , ayaan Haddana La Xaqiijin karin inay Qatar ka Ogolaatay Dalabkoodaas,

Dalabkaa oo ah inay Qadariyiintu  Gabi ahaanba Joojiyaan Taageerada ay Siiyaan Ururkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker