Magaca Xamaas halka uu ka yimid iyo ujeedkii lagaa ururkan markiisii hore

Xamaas waa ururka ugu weyn ee jabhadaha u dagaallama Falastiiniyiinta. Ururka oo la asaasay sanadkii1987, ayaa magaciisa waxa laga soo gaabiyay Xarakatul Muqaawamah Al-Islaamiyaha. Waxaa Xamaas ka go’an in ay burburiso Israa’iil.

Markii hore waxaa laga lahaa laba ujeedo oo kala ahaa: Iska caabin hubaysan oo uu fuliyo garabkiisa milateri Izzedine al-Qassam Brigades, iyo horumarinta bulshada.

Hase yeeshee kadib markii ay Israa’iil ka soo baxday Qasa sanadkii 2005, Xamaas ayaa qeyb ka noqotay hannaanka siyaasadda Falastiiniyiinta. Waxa uu ururka ku guulaystay doorashadii baarlamaanka ee 2006, sanad kadibna waxa uu la wareegay gacan ku haysta Qasa kadib markii uu ka eryay dhaq-dhaqaaqa Fatax.

Tan iyo markaas, ururka Xamaas ayaa saddex dagaal la galay Israa’iil. Xukuumadda Tel Aviv iyo dowladda Masar ayaa go’doomiyay Marinka Qasa si ay ururka Xamaas ugu cadaadiyaan in ay joojiyaan weerarrada.

Ururka Xamaas, gaar ahaan garabkiisa milateri ayaa waxaa argagixiso u aqoonsan Israa’iil, Maraykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub iyo dalal kale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker