Maxkamdda Sare Oo Shalay Dhagaysatay Dacwadda Kursiga Wakiilada Ee U Dhaxaysa Xuseen Axmed Caydiid Iyo Maxamed Muuse Abees

Waxa shalay ay maxkamadda sare gudo gashay dhagaysiga dacwada u dhaxaysa labada siyaasi ee Maxamed Muuse Abees iyo Xuseen Axmed Caydiid ee ku salaysan kursigii wakiilada ee uu baneeyay Alle haw naxariiste Marxuum Ibraahim Axmed Haybe.

 

Wasiir-xigeenka warfaafinta Maxamed Muuse Abees ayaa maxkamadda sare u gudbiyay dacwad ka dhan ah go’aan ay guddiga doorashadu u soo gudbisay maxkamada sare oo ay kursigaas ugu garatay inuu leeyahay Xuseen Axmed Caydiid.

Maxkamadda sare ayaa shalay waxay dhagaysatay dacwadda Maxamed Muuse Abees iyo jawaabta Xuseen Axmed Caydiid. Dacwada oo ahayd mid furan ayaa waxa ka qayb galay shan garsooreoo ka mid ah garsooreyaasha maxkamadda sare oo uu guddoominayay guddoomiyaha maxkamadda sare Md. Aadan Xaaji Cali Axmed.

Garsooreyaasha maxkamadda sare ayaa dhagaystay doodda labada dhinac. Doodda ayaa dhex martay qareenka metelayay Maxamed Muuse Abees oo magaciisu yahay qareen Aadan Axmed Muuse iyo Xuseen Axmed Caydiid oo isagu qareen isu ahaa. Labada dhinac wuxuu mid waliba soo bandhigay daliil sharci oo uu doodiisa u cuskanayay, waxaanay mararka qaar labada dhinac isweydiinayeen su’aalo toos ah. Garsooreyaasha maxkamadda sare ayaa iyaguna dhawr goor su’aalo sharci oo ku saabsan doodooda weydiiyay Xuseen Axmed Caydiid oo isagu is difaacayay iyo qareen Aadan oo difaacayay wasiir Maxamed Muuse Abees.

Ugu dambayn Maxkamadda sare ayaa sheegtay inay soo saari doonaan go’aan kama dambays ah, marka ay dersaan doodda labada dhinac oo ay shalay dhagaysteen. Fadhiga maxkamadda oo ahaa hal maalin ayaa la filayaa inay go’aan ka soo saarto maalmaha soo socda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker