Xukuumadii Siilaanyo waxay ahayd, Xaraasha, Xaqul-qalin, Eex & & Jindagaagay, Tan Muusana, waa kala dira, qaranka Dumiya ….
Shicibka Somaliland Odeygii Tikteytarka ahaa ee Xaraashe Siilaanyo, wuxuu
Wadankii badey wuxuu kaga tegey ayaa badan, Intuu Siilaanyo Xaraashe Wad-
ankii dhul, Bad & Ciro xaraashay, Xaqul-qalin siistey, ayuu Xaaraantii & Xaqii
Umada isaga & reerkiisa, Aamina Weris, Moorgan & Samsam Ina Xaashi ay ku
cunayaan, Dubai, Guryo qasriya ah ka soo jeesteen, Talaw Miyaanay ka baqayn
in xaqii Umadu ku noqdo Inkaar kaga soo baxda Guriguu Siilaanyo & Islaantiisu
ku jaqayaan, Xaqii Umada.
Siilaanyo Abaar, siilaanyo xaraashe, Siilaanyo Xaqul-qalin, Siilaanyo qabiilayste
wuxuu Umada badey, wuxuu kaga tegey ayaa ka daran, oo ah Muuse Shaani
Muuse Duca diid, Muuse dagaal Ooge, Muuse Lockal, Muuse handraab & qaar
kaloo badan, Somaliland Ilaahay Labadan daalin ee Siilaanyo Xaraashe & muu-
se Dagaal Ooge, Muuse Jaahil haka badbaadiyo, dhibaatada, isku dirka, iska horkeenka & Dulmiga ay ku hayaan Umada.
Siilaanyo, xiitaa Qaadhaankii abaarta, Lacagtii Biyo xumbo weyne, tii irpor-
tayada, tii Dekeda kulii intuu Laaluush & xaqul-qalin ku qaatey ayuu isaga degey aan cidi maxakamad saarin, Laakiin Maxkamadii Ilaahay ayaa If & aakhiro ku sugaysa.
Muusana waabu ka sii darey, oo Xaqul-Qalinkii Badhkiisii uu qaatey, halkii ayuu
ka sii wadey, Shicibkii uu Siilaanyo kala qaybiyey, ee Boqortooyo laba Reer ay
Kursiga iskaga dagaan, ayuu ku andacoodey Jeegaan & Laba Reer H/Awal & H/
Jeclo, oo maalintii Qaranimada ee Shicibku ku midaysnaayeen ee 18ka ey uu ku bedeley oo Maalin Jeebkiisa Muuse shaani kala soo baxay, oo ah Maalinta
ay Somaliya u dabaal degto 15Mey dhalinyarada uu kala mid dhagay.
Shicibka S/Land yey ku raacin, Muuse Handaraab 15ka Mey oo ah Federaal uu
Somaliya si dadban ugula midoobay in Maalintii Qqaranka S/Land Xamar & Hargeysa maalin looga wada dabaaldego.
Sidaas Darteed, Shicibka S/Land Muuse Lockal yey ka yeelin Maalintii Qaranka
inuu ku bedelo maalin uu Jeebkiisa kala soo baxay.
Wabilaahi Tawfiiq.
Asha Jama
Ashaa.J@live.nl