Xukuumadda oo Ganaax Lacageed ku Ridday Shirkadda Red Sea iyo Shaybaadhka Shidaalka Berbera

Xukumadda Somaliland ayaa ganaax lacageed ku ridday shirkadda shidaalka soo dejisa ee Red-sea iyo shirkadda gacanta ku haysa shaybaadhka shidaalka, kadib markii Haamaha kaydka shidaalka ee Berbera lagu shubay shidaal wasakhaysan oo qasaare soo gaadhsiiyay gaadiidlayda kala duwan ee dalka.

 

 

Waxa kale oo ay Xukuumadda Somaliland digniin kama dambays ah u dirtay dhammaan shirkadaha wax soo dejiya oo la faray inay dalka keeni karaan oo keliya wax ay iska soo hubiyeen bad-qabkiisa iyada oo ciddii wax aan wanaagsanayn dalka keenta, nooc kasta oo uu yahayna looga digay in ay la kulmi doonaan ganaaxa lagu riday shirkadda shidaalka xun keentay iyo shaybaadhka u fududeeyay.

 

 

Wasiirka wasaaradda ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska Somaliland mudane Maxamed Xasan Sacad (Saajin), ayaa sheegay in baadhitaan badan oo ay sameeyeen ay ku ogaadeen cidda keentay shidaalka wasakhaysan iyo cidda dayacday masuuliyaddii ka saarnayd in ay ka hubiso shirkadaha shidaalka keenaya bad-qabka shidaalka ay haamaha kaydka Berbera ku shubayaan.

 

 

Wasiirku waxa uu intaa ku daray in ay xukun ganaax lacageed ah ku rideen shirkadda shidaalka keentay iyo shaybaadhka shidaalka labada ba. Wasiirka oo ka hadlyay tallaabada ay qaadeen ayaa yidhi “Kadib markaanu badhitaan siyaado ah aanu samaynay, waxaanu xogtii ku ogaanay in Shirkada Red Sea iyo shaybaadhka Berbera ay leeyihiin Masuuliyadda sababtay, iyaga oo ogaa inuu yahay Shidaal wasakhaysan iyo shaybaadhka oo masuuliyaddii looga baahna aan qaban oo siiyey ogolaanshaha in shidaalka lagu shubo haamaha.”

 

 

Wasiir Saajin ayaa sheegay in labada shirkadood midkiiba lagu ganaaxay lacag dhan $355,500, taas oo wadarta ganaxooda ka dhigaysa $711,000, waxaanu ydihi “Shirkadda Red Sea iyo Shaybaadhka Berbera labadaba waxaa la ganaaxay lacag ganaax ah oo is leeg oo midkiiba saddex boqol , shan iyo konton kun iyo shan boqol oo doolar ah , waxaan farayaa in arrinta ay si degdeg ah u fuliyaan, kuna shubaan lacagtaa Wasaaradda Maaliyada, Wasaaradda Maaliyaduna waa in ay arrintany daba gashaa.”

 

 

Waxaanu wasiirku digiin kama dambays ah u diray shirkadaha wax soo jediya nooc kasta oo ay yihiin, waxaanu yidhi “Dadweynaha wax soo geliya waddanka ha noqoto dawo ama cunto waxaan kula talinayaa in ay ka digtoonadaan iyaga oo u tudhaya dadka si deg deg ahna aan uga tabaabushaysanayno oo ganaaxa kuwan ku dhacay uu ku dhici doono ciddii kale ee ku dhaqaaqda. meelaha waxa laga soo dejiyana waxaan si degdeg ah u dhigaynaa shaybaadhkii lagu baadhayey.”

Oodweynenews Hargeysa

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker