Daliil cusub oo ummada ku soo kordhay

Horta inta aanan galin mawduucaa aan dusha ku xusay, umadeena waxaa looga taliyaa ama laga hagaa laba meelood, waliba meel ayaa awoodda inteedii badnayd marroorsatay.

Labada meelood ee looga taliyaa, ama looga arimiyaa waa majliska qaadka iyo masaajidka.

Hadaba nimankaa umada uga arimiya majliska qaadka, waxay u gaadhay inay yidhaahdaan waa in masaajidadii la xidhaa, masaajidka oo la xidhaana waa halkii ugu dambaysay, iyaga oo kusoo gabanya cudurkan dunida aafeeyay.

Marka la yidhaa, waar maxaad qaadka u joojinwaydeen ee aad masaajidada u xidhaysaan? Waxay dadka ugu sawiraan, qaadka joojintiisa wax waxshi ah (monster) aan la joojinkarin, laakiin masaajidada oo la xidhaa waa wax u fudud, Cajiib.

Hadaba hadii aan ku soo noqdo mawduucii aan u socday, culumadeenu marka arrin diinta ku saabsan gaadhayaan go’aankiisa, xadiiska iyo quraanka ayay soo daliishadaan iyo ijtihaadkooda.

Maanta hadaba daliil cusub oon kuwaa midna ahayn ayaa soo baxay, markii hore caamada ayuunbaan daliilkaa ka maqlaayay, laakiin xalay TV ga ayaan nin sheekh sheeganay ka maqlaayay oo daliishaday.

Daliilka aan idiin sheegaya waxa weeye, marka aad tidhaa waar maxaa masaajidada loo xidhayaa, oo loo joojin waayay qaadkan ka dhibka badan, ayaa kii caamada ahaa la soo carraarayaa, sowta labadii xaramba la xidhay, bal hadaba adba ka gar hel.

Masaajidada salaadooda iyo kuwa xaramka kee fadli badan, dee kuwa xaramka, waa kaa markaa kii caamada ah kugu jiqsiiyay, kuwii majliska inooga talinaayayna, daliilkaa wanaagsan ayay helaan oo waa kuwaa yidhi ha la xidho masaajidada labadii xaramba waa la xidhay eh.

Hadaba waxa is waydiin leh yaa ka taliya xaramaynka, reer Aala sucuud, hadaba waxa is waydiinleh ficilka ay reerkaasi sameeyaan ma inoo noqonayaa daliil aynu axkaamta diinteena ku binayno? waa maya.

Waar hadaba kuwaa majliska qaadka ka soo arimiyoo umada ha majara habaabinina, culumadeena ayuunbaa arinkaa ka hadli kara.

Nuur Xaaji Xiiray

Nur.hersi21@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker