Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qaraxa Gaadhi lagu soo xidhay ayaa Maanta ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn Isgooyska 14-ka October (ama Zoobe) ee Magaalada Muqdisho.

 

Gaadhiga qaraxa lagu xiray oo ahaa kuwa aan Xabada karin,ayaa la sheegay in uu ku dhintay Wadihii gaadhiga, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay labo qof oo shacab ah oo wadada marayay sida ay Xaqiijiyeen goob jogayaal.

 

Gaadhiga qaraxa lagu xidhay ayaa la tilmaamay in uu lee yahay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed kaas oo lagu magacaabo Cali Cartan bidaar.

 

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo gaaray halka uu qaraxa ka dhacay ayaa goobta ka qaaday Meydka ruuxa geeriyooday,waxa ayna shegeen Ciidamadu in ay wadaan baadhitano ku aadan qaabka gaadhigan qaraxa loogu soo xidhay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker