Midawga Yurub oo Wadamada Iiraan iyo Maraykanka Ugu Baaqay inay Furaan Wada-hadal

Wadamada midowga Yurub ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo soo afjaro adeegsiga hubka iyo Xiisada ka taagan Bariga dhexe xilli ay sii Xoogeysaneyso xiisada dagaal ee u dhaxeysa Washington iyo Tehraan.

 

Madaxweynaha guddiga midowga Yurub Ursula von der Leyen oo saxafiyiinta kula hadleysay arbacada maanta ah magaalada Brusels ayaa ku boorisay labada wadan in wadahalo yeeshaan.

 

Ms Ursula ayaa intaa ku dartay in xalinta xiisada u dhaxeysa Mareykanka iyo Iiraan ay kala hadli doonto Ra’isul wasaaraha UK Mr Boris Johnson.

Adeegsiga hubka waxaa waajib ah in la joojiyo si fursad loo siiyo wadahalka ayay tiri kadib kulan ay la yeelatay wakiilada guddiga u matala midowga Yurub.

 

Baaqa nabadeed ee ka soo yeeray midowga Yurub ayaa imaanaya saacado uun kadib markii dowlada Iiraan weerar xoogan ay ku qaaday laba saldhig oo Milatariga Mareykanka kaga sugan yihiin dalka Ciraaq.

Xukuumada Iiraan ayaa sheegtay in weerarkaan ay ugu aargudeyso taliyihii hore ee ciidanka kacaanka Janaraal Qaasim Suleymani oo diyaaradaha mareykanka ku dileen madaarka caalamiga ah ee magaalada Baqdaad.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker