Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Oo Fariin U Diraya Shacbiga Somaliland La Xidhiidha Xuska 18 May

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye- Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa baaq laxidhiidha munaasibada xuska sanad guurada 27aad ee kasoo wareegtay markii ay JSL dib ulasoo noqotay madax banaannideeda u diray dhammaanba bulshada Somaliland. SArreeye Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan, jananka guud ee ciidammada Bilayska JSL oo war qoraal ah oo uu soo saaray kaga hadlay muhiimadda ay munaasibada 18-ka MAY qaranka u leedahay ayaa shacbiga ka codsay in meel looga soo wadda jeedo adkaynta nabad-galayda.

 

Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland Sareeye-Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan waxa uu Baaqiisan ku yidhi: “waxaan ka codsanayaa dhammaanba bulshada Somaliland sidii muwaadinimada ahayd ee horeba ay ciidankooda ula shaqayn jireen shacabku in ay sii libin laabaan oo ciidanka booliska ula shaqeeyaan”. Taliyaha Ciidanka Booliska isagoo hadalkiisa sii wata waxaa uu yidhi: “waynu ognahay in 18-ka may maalmo yar uu ka hadhay bulshada somaliland waxaan ka codsanayaa in qof walbaa nabada dhankiisa ka sugo oo guri walba guriga ku xiga ka war hayo” Taliye Cabdillaahi Fadal Iiman ayaa Baaqiisan ku ammaanay shacabka waddanka waxaanu sheegay in ilaalilnta nabada ay qayb laxaad-leh ka qaataan Ummadda Dalkani.

 

 

Geesta kale Taliyaha ayaa faray Dhammaanta Ciidanka booliska in ay sii laba-laabaan dadaalkooda ahaa adkaynta nabada iyo in ay si guud iyo si gaaraba ula shaqeeyaan bulshada. Gabagabadii Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland Sareeye-Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa shacabka eebe uga baryay in sanadka sanadkiisa bash bash iyo barwaaqo ku gaadhsiiyo waxaanu si gaara hanbalyo ugu diray Ciidanka Booliska iyo Xaasaskooda dabaal-daga munaasibada xuska 18-ka may.

Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland Sareeye-Gaas Cabdillaahi Fadal

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker