Agaasimaha/Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo Magacaabis Sameeyey

Mudane Abshir,
Waxa aan kuu magacaabay in aad noqoto Agaasimaha Waaxda Amniga ee Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland. Waxa aan si mug leh ugu qancay in aad leedahay kartidii, aqoontii iyo waayo arganimadii aad xilkan ku gudan lahayd iyo shakhsiyadda aad ku abaabuli karto dadka aad wadashaqaynta leedihiin.

Waaxda Ammaanka mas’uuliyaddeeda waxa ka mid ah:-
1. habsami u shaqaynta kamaradaha ku rakiban madaxtooyada iyo agagaarkeeda, la socodka dhammaan muqaallada ay soo gudbiyaan kamaraduhu.

2. Maamulka iyo tababarka shaqaalaha amniga, Casriyaynta dhammaan qalabka amniga ee Madaxtooyada ku rakiban iyo dhamaystirka baahiyaha amni ee xarunta madaxtooyadu u baahan tahay iyo in ay u shaqeeyaan sidii loogu talogalay.

3. In aad wadashaqayn la yeelato Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, kuna wargeliso dhaqdhaqaaq kasta oo aan caadi ahayn oo ka jira xarunta madaxtooyada iyo agagaarkeeda.

Madaxtooyada Somaliland waa muraayaddii qaranka, taasi oo qasab ka dhigaysa in qof kasta oo xil ka qabta amma ka shaqeeyaa in uu ku sifoobo hufnaan, shaqo wanaag, karti, aqoon iyo daacadnimo. Arintaasina waa ta aan maanta kuugu gartay in aad xilalkaasi qaado. Xilka aan kuu magacaabay ee agaasime waa xil maamul oo ay hoos yimaadaan shaqaale kale oo aqoon iyo xirfadba leh. Sidaa darteed, waxa kugu waajib ah in aad dhisto waaxdaasi iyo shaqaaleheedaba oo aad ka soo saarto waax isku filan oo si buuxda u shaqeyneysa.

 

 

ALLA MAHAD LEH
Mohamed Ali Bile
Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada JSL
Og:Agaasimaha Maamulka Xisaabaadka Madaxtooyada JSL
Og: Agaasimaha Maamulka iyo Shaqaalaha Madaxtooyada JSL

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker