“Siyaasiyiinta Somaliland Oo Si Qaldan U Isticmaala Qalin-jebinta Jaamacadaha Dalka”

Tacliintu sideedaba waa hagaha iyo toosiyaha bulshada meelksata oo ay joogaan waana waxa hore mariya ama dib udhiga bulshooyinka,sidoo kale waxay isdhaafisaa hadba jiilasha markaa jooga qofkastaana wuxuu socdaa intuu yaqaano,
Waana waajib in la gu dadaalo mid diineed iyo mid maadiba waxaase siimudan tan diiniga ah oo aad moodo hada in layso lana aaminay in shaqo iyo karaamo aan laguhelayn waasida dad badan ka muuqata.

Sida quraanka lagu sheegayna waxaa ilaahay ka baqa adoomihiisa cilmiga leh taasoo loola jeedo cilmiga diiniga ah,markaan sidaa leeyahay kama saarayo meesha kan hunguriga.

Arartaas kadib waxaan maqaalkan ugu holaday markaan mudo dheer arkayay qaabka jaamacadaha dalku usoo agaasimaan una maamulaan qalinjebinta ardaydooda,
Waxaa biyo kama dhibcaan ah in maalintaas ayleeyihiin Ardayda, waalidiintooda, macalimiinta,  iyo dhamaan asxaabta ay leeyihiin waana maalin iyaga ugelaysa taariikhdooda.

Waxaase xusid mudan qaabka ay ugasoo qaybgalaan madaxda dawlada iyo kuwa arimahabulshada iyo sidoo kale khudbadaha ay ka jeediyaan oo ah kuwo kabaxsan inta badan xaydaabka tackiinta iyo madasha.

Waxay noqotay qalinjebintii meel loo isticmaalo khudbado ka fog milgaha ay goobahan oo kale mudan yihiin waxaa isku weerara dad kukala aragti duwan siyaasada,
Waxaa kale oo laga jeediyaa khudbadii loogu tala galay shirarka reeraha iyo meelaha aan aqoontu oolin waana mid qiimaha ka dilaysa ubaxaa wax soo bartay ee jooga maalintii ugu qaalisanayd noloshooda.

Maadaama oo aytahay madal aqooneed waa in laga ilaaliyaa khudbadahaa guracan ee aanay ka muuqan wax dhiiri gelinaya dhalintaas , iskadaaye ceeb ku ah iyaga iyo guud ahaan jaamacdaa. Dadka masuuliyiinta ah ee kasoo qayb gelayana haday ilaaween madasha oo ay moodayaan xarumii Axsaabta waxaa waajib saaran yahay maamulka jaamacadaa inay xakameeyaan kunasoo dabaalaan dayrka aqoonta ee ay xafladu ku saabsan tahay, waa qaabka keliya ee lagu kala saari karo goobaha tacliinta iyo kuwa lagu hayo siyaasada qooshka ah ee aynu ku asqoownay ee xataa masaajidadii inala gashay.

Masuuliyada kowaadna waxay saaran tahay maamulada jaamacadaa, Hadii kale waxaynu noqonaynaa bulsho aanay waxba utarin qiimana u yeelin tacliintu,
Ardaydana waxaa la gudboon inay ka dhiidhiyaan oo aanay dhegaysan wax aan khusayn qalinjebin tooda wax faaiido ahina ugu jirin sidoo kalena hoos udhigaya oo simaya iyaga iyo kuwa aan waxaba baran,xataa hadi aanay dib uga soo qayb gelayn. Madaxdaasi.

Kuwa mdaxda sheegnaya ee waxaas la doonanaya dhalintaasna waxaan leeyahay ka daaya oo kala garta goobta tacliinta waxa lagaga hadlo iyo waxa laga shubo fagaarayaasha laysku arko.

Iman Maxamed Ciise
London UK

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker