Madaxda Komishanka Xakamaynta HIV/AIDS-ka Oo Shirar Kula Qaatay Borama Culimada iyo Macallimiinta

Madaxda Sare ee Komishanka Heer Qaran ee Xakamaynta HIV/AIDS-ka ee SOLNAC (Somaliland National Aids Commission) oo kormeer shaqo ku jooga magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, ayaa kulamo la qaatay culimada iyo macallimiinta wax ka dhiga dugsiyada sare ee magaaladaas Boorama.

Masuuliyiinta Komishanka Xakamaynta AIDS-ka oo ay hoggaaminayaan Agaasimaha Fulinta Mr. Naasir Ayjeex Jaamac iyo Kormeeraha Guud ee komishankaasi, ayaa ujeedada socdaalkoodu la xidhiidhaa u kuurgalka goobaha caafimaad ee lagu daryeelo dadka la nool HIV/AIDS iyo sidii bulshada loogu wacyigelin lahaa qaabka ugu habboon ee ay tahay in loola dhaqmo dadka qaba HIV/AIDS.

Masuuliyiinta Komishanka Xakamaynta AIDS-ka ayaa kulanka koowaad la qaatay culimada Boorama kuwaas oo ay kala hadleen inay qaataan doorka ay ku leeyihiin wacyigelin la siiyo bulshada boorama isla markaana dadka ka wacyigeliyaan goobaha cibaadada.

Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Awdal oo kulanka ka hadlay, ayaa culimada ku dhiirigeliyey inay la shaqeeyaan Komishanka Xakamaynta HIV/AIDS, isla markaana kaalinta looga baahdo ka qaataan sidii bulshada looga wacyigelin lahaa fayraska HIV iyo xannuunka ka dhasha ee AIDS-ka.

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Agaasimaha Fulinta ee Komishanka Xakamaynta AIDS-ka Mr. Naasir Ayjeex Jaamac, ayaa u soo jeediyey culimada inay kala hawl galaan sidii bulshada looga wacyigelin lahaa khatarta xannuunka iyo in aan la faquuqin dadka uu ku dhaco ee la nool HIV/AIDS-ka.

Dhinaca kale, Culimada magaalada Boorama ee kulanka qaybgashay, ayaa dhankooda sheegay inay soo dhawaynayaan wada-shaqayn ay la yeeshaan Komishanka Qaranka ee HIV/AIDS-ka, isla markaana ay wacyigelintana kala qaybgalayaan.

Sidoo kale, masuuliyiinta Komishanka Xakamaynta AIDS-ka, ayaa kulan kale la qaatay macallimiinta wax ka dhigta dugsiyada sare ee magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, kuwaas oo u gudbiyey fariimo loo baahan yahay inay ardayda gaadhsiiyaan, looguna sameeyo wacyigelin la xidhiidha siyaabaha looga hortago, la iskana ilaaliyo xannuunka HIV/AIDS-ka.

Kulankan ayaa macalimiinta dugsiyada sare lagu adkeeyey inay ardayda ka saaraan fikradaha khaldan ee xannuunkan laga aaminsan yahay, iyadoo si gaar ah loogu dardaaray inay ardayda ku wacyigeliyaan inaan wax dhib ah loo gaysan dadka uu xannuunkani asiibay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker