Niciima Abwaan Qorane Oo Maanta  Xoriyadeedii  Dib Loogu Soo Celiyey

Wararka magaalaga Haregysa ayaa sheegaya in maanta   xoriyadeedii  dib loogu soo celiyey  Niciima Abwaan Qorane oo bilihii  ugu danbeeyey ku xidhneyd Somaliland isla markaana maxkamadda Hargeysa ay ku xukuntay Saddex sano  oo xadhig ah.

 

 

Wararku waxay intaas ku darayaan inuu Madaxweynaha Somaliland muuse biixi u fidiyey  cafis madaxweyne halkaas oo lagusii  daayey Abwaanad Niciima  Abwaan Qorane.

 

Naciimo ayaa lagu soo waramayaa in saaka xabsiga dibadda looga soo saaray, xilli ay ku dhex xanuunsatay xabsiga sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah eheladeeda.

Naciimo Abwaan Qorane oo Baraha Bulshada dadka isticmaala ay si wayn u garanayaan ayaa durba la soo dhaweeyay in xuriyadeeda dib loo siiyo.

 

Warkaas oo faahfaahsan dib ayaan idinla socodsiin doona, ee ku xidhnaw Oodweynenews .

 

Niciima Abwaan Qorane

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker