Madaxweyne Haddii Xukuumadaada Cadaaladi Jirto Qandaraaskii Dhismaha Madaxtooyada Yaad Siisey?

Kasoo Bilaw Markii, aad Tartanka Ololaha Doorashadda Kujirtey ilaa Bilawgii Xukuumaddaada waxa aad ku celcelisey in Cadaalad iyo Sinaan iyo ladagaalanka Musuqmaasuqa aad Xooga saari Doonto,taas oo Bulshada inteeda badani u macneysatey in ujeedkaagu daarnaa in aad ka hadleyso,sida ay Xukuumadaadu ka duwanaaneyso,Xukuumadii kaa horeysay oo aad wado cusub jeexayso.

Haddii aynu hoos ugu soo Noqono maalintii aad Xilka la wareegtey ilaa maanta Talaabooyinka muuqda,iyo sida ay Xukuumadaadu u amba qaadey,meelihii aad ku ololeysay ee farta aad ku fiiqdey, islamarkaana, ah kuwa kaliya ee Muraayada hore lagaga bogan karo Cadaaladii iyo Sharcigii aad ku dhawaaqdey in uu sareyn doono xaqiiqdii ma muuqdaan, waxaana maalinba maalinta ka dambeysa soo baxaya Xogaha dhabta ah lifaaqoodu ku aroorayo,in aad ka talaabsatey balanqaadyadaadii aanu kugu dooraney aniga iyo qaar badan oo ila aragti ah hadeer iyo horeba,waana markii u horeysay ee Rootidu qaaliyowdo,oo Biyuhu qaaliyoobo,oo cashuurta lagu kordhiyo danyarta Sixir bararku aafeeyay,oo Shaqaalaha iyo Ciidamadu mushahar la,aan ku gaadhaan bisha shanteedii.

Anigoo usoo dhaadhcaya nuxurka qoraalkeygan, dhawaan waxa soo baxey iyadoo umadda Reer Somaliland aaney habayaraatee wax ukala qarsooneyn Qandaraasyo aad bixisey, oo aan ceyladaada dhaafsiisneyn, adigoo magacaabey Gudida Qandaraasyada Qaranka oo aad ku dartey Ninkii Ganacsigaaga Wakiilka ka ahaan jirey ee aad Cumladii Mashruuca ku siisey markii aad aheyd Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumadii Marxuum Cigaal Shirkadii Guul Alla,Waxaana maalmahan u dambeeyay siweyn loo hadalhayaa cida aad Qandaraaska ku siisey Dhismaha Madaxtooyadda oo ay hadda in badani ka warheyso, sikasta oo aad u qarisana ay dibadda usoo bixi doonto wallow aan anigu u qabo inaanad waxba qarsaneynin ee ay talaabooyinkaagani cadaalad darada ahi badheedhe kaa yihiin,waxaan kusoo Gunaanadayaa haddii Xukuumadaada Cadaaladi jirto Madaxweyne Muusaw Waa ayyo Cida aad Qandaraaska Ku Siisey Dhismaha Madaxtooyadu

Najiib Ismaaciil Maxamed

Gabiley Somaliland

Tell:0634466339

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker