Madaxweynaha Jabuuti Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Taliyaha Booliska Soomaaliya

Jabuuti(OWN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdigii uu hoggaaminayey Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliyed Sarreeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko.

Kulankan oo socday saacad iyo wax ka badan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti G/sare Cabdullaahi Cabdi Faarax, Saraakiil Ciidan oo ka kala socotay labada dalka iyo masuuliyiin kale.

S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed, ayaa Madaxweynaha Dawladda Jabuuti, waxa uu kala hadlay dhinacyo badan oo ammaanka quseeya iyo siddii Jamhuuriyadda Somaliya looga taageeri lahaa adkeynta Nabadgelyada.

 

 

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ballan qaaday in gacan weyn Dowladda Djibouti ay ka geeysan doonto taageerada Ciidanka Booliska Somaliyed, kordhinta tababarada iyo qalabeynta Ciidanka.

 

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliyed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Geelle sida walaaltinimada ay ka muuqato ee loogu soo dhaweeyey Djibouti, waxaana uu tilmaamay in uu yahay Hiil-Walaal oo Soomaaliya mar walbo garab taagan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker