Madaxwaynihii Hore ee Somalia oo Dhaleeceeyay Xilka Xayuubinta Khayre

Madaxweynihii Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa go’aanka lagu Caydhiiyey Xasan Kheyre ku sheegay fursad la seegay isaga oo ku adkeystay doorasho la isla ogol yahay, oo waqtigeeda ku dhacda.

Xasan Sheekh oo goordhow qoraal soo dhigay bartiisa Twetterka ayaa yidhi “”Fursado badan oo la seegay ayaa soo maray taariikhda dhismaha dowladnimada Soomaaliya, oo maanta uu mid cusub sameeyey hoggaanka jira. Waxaa loo baahanyahay go’aan xikmad leh si loo dhiso is afgarad siyaasadeed oo horay si wadajir ah loogu dhaqaaqo qabashada doorasho la aqbali karo, oo waqtigeeda ku dhacdo”

 

Dhanka kale, waxaa uu ka digay waqti kororsi sharci darro ama xeelad kasta oo doorashada lagu daahiyo waxaa uuna yiri “Muddo kororsi aan dastuuri aheyn ma aha ikhtiyaar furan, sidoo kale xeelad daahis ah waxay xaaladda xun ka dhigeysaa midda ugu xun. Waa jidgooyo aanu qof isku dayin inuu ka gudbo. Si kasta oo xaaladdu ugu muuqato mugdi waxaan hubaa in dadka Soomaaliyeed ay si shidi-doonaan shumaca rajada”.
Arrimahan ayaa imaanaya kadib markii shalay ay golaha shacabka ay madaxweyne Farmaajo si fudud uga hor wareejiyeen ra’isul wasaarihii loo heystay midkii ugu awoodda badnaa 20-kii sano ee la soo dhaafay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker