Aas Qaran Oo Loo Sameeyay Fanaankii Maxamed Maxamuud Cige Busi

Alle ha u naxariistee waxa magaalada Hargeysa si heer qaran ah loogu aasay Fanaankii waynahaa, Agaasime ku xigeenkii Waaxda dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta, Marxuum Maxamed Maxamuud Cige Busi oo magaalada Hargeysa ku geeriyooday

Aaska Marxuum Maxamed Maxamuud Cige Busi waxa ka qayb galay wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta JSL, xubno ka tirsan golayaasha qaranka, Abwaanno, suxufiyiin iyo bahda dhaqanka kuwaasi oo ehelkii iyo qaraabada iyo Qaranka Jamhuuriyada Somaliland uga tacsiyadeeyey marxuumka oo kaalin muuqata ka soo qaadatay fanka Soomalida.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka qaranka iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Hal-abuur, Muusiishan, Heesaa Marxuum Maxamed Maxamuud Cige (Busi) oo ku geeriyooday caasimadda Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay qaranka iyo bahda fanka & sugaanta, door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii dalka.Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shaqaale weynaha Wasaaradda Warfaafintu waxa uu Tacsi u dirayaa Qoyskii,Qaraabadii, bah’da fanka iyo Suugaanta iyo Guud ahaan Shacabka Somaliland ee uu ka baxay alle ha u naxariistee Marxuun Maxamed Maxamuud Cige Busi oo ahaa Agaasime ku xigeenka Waaxda Dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta oo Galabta ku geeriyooday Caasimada Hargaysa.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL waxa uu Marxuunka ku sifeeyay Shakhsi isku daraaday Hibooyin badan oo dhanka Fanka ah Sida Hal-abuur, Muusiishan, Mulaxamiiste, Majaajilayste iyo heesaa kaalin mug leh ka soo qaatay halgamadii kala duwanaa ee qarankani soo maray.

Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore waxa uu sheegay in alle ha u naxariistee Marxuun Maxamed Maxamuud Cige busi uu ka mid ahaa Raga Tiir dhaxaadka u ah Wasaaradda Warfaafinta gaar ahaan Waaxda balaadhan ee dhaqanka isla markaana uu ahaa Agaasime ku Xigeenka Waaxda dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta.

Wasiirku waxa uu Ilaahay uga baryay inuu Marxuunka naxariistiisa jano ugu deeqo, Qoyskii,Qaraabadii, bah’da Dhaqanka , Wasaaradda Warfaafinta iyo shacabka Somaliland uu ka siiyo Samir iyo Iimaan.

Rabi ha u naxariistee Marxuun Maxamed Maxamuud Cige busi waxa uu ku dhashay magaaladda Hargaysa sannadkii 1960kii Waxa uu Waxbarashadiisii hoose iyo tii dhexe uu ku soo qaatay dugsiyada Bula-xaar iyo Axmed Guray Waxaanu fanka ku soo biiray sannadkii 1978 oo uu ilaa hada ku jiray.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker