Xeer Damaanad Qaadaya Sinnaanta iyo Dhawrista Hantida Qaranka oo la Ansixiyay

Mudanayaasha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa fadhigoodu shalay oo uu shir guddoominayay Guddoomiye ku Xigeenka Koowaad ee golahaas Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa mudaneyaashu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen xeerka Qandraasaadka qaranka oo ay doodiisu dhamaatay.

Xeerkan ayaa waxa ka hor inta aan la ansixinin uu guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad caddeeyay in uu muhiimad gaar ah u leeyahay qaranka, isla markaana uu dhawri doono u sinnaanta iyo dhawrista Hantida qaranka.

Waxa xeerkaasi ogolaaday 40 xildhibaan, 1 Xildhibaan ayaa diiday waxaana xeerkaasi ka aamusay laba xildhibaan, sidaas ayaanu ku ansaxay oo uu ku meel maray xeerka Qandaraasaadka qaranka ee horyaalay golaha wakiiladda Somaliland.

 

Oodweynenews Hargeysa office

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker