Maxaan Ku Xasuusan Karaa Marxuum Cali Ibraahin (Cali Sanyare) (Oo Ahaa Wasiir Hore Oo Wasaaradda Qorshaynta). W/Q: Ahmed Ibrahim Awale

Howsha ugu mudan ee aannu isku barannay Marxuum Cali Sanyare, oo ahaa Wasiir hore oo Wasaaradda Qorshaynta, waxa uu ahaa diyaarintii Xeerka Somaliland ee Ururrada aan Dawliga ahayn (The Somaliland Non-governmental Organizations Act).
Muddo 13 cisho ah oo maalin kasta aannu maalin badhkeed falanqayn jirnay qodobbada uu ka koobnaan doono Xeerkaasi, waxa aan ku bartay Marxuumka aqoon baaxad weyn leh, xirrib-badnaan, ka-go’naansho, iyo shaqsiyad aan dib u dhigin shaqo u taal.
Kullannadaas oo ay nagu weheliyeen xubno ka soo jeeda shan wasaaradood (Qorshaynta, Arrimaha Qoyska, Dhallinta iyo Ciyaaraha, Arrimaha Gudaha, iyo Cadaaladda/Garyaqaanka Guud), 9 ka mid ah ururrada waddaniga ah, iyo 1 hal qof oo ka socday ururrada Caalamiga, waxa dhici jirtay in uu inta badan goobta kulanka nooga soo horreeyo, isla markaana si wax ku ool ah uga qayb qaadan jiray doodaha, nalana joogi jirtay ilaa dhammaadka! Ka-gaybgalkayga waxa ii dheeraa in aan qabyo qoraalka si maaline ah u geliyo wixii maalintaas laga doodo si maalinta xigta halkii looga sii amba qaado.
Waxa ka go’nayd in uu xoojiyo mugga waxqabad iyo aqooneed ee ururrada Samafal ee gudaha. Xeerkaasna waxa ku jira qodobka arrinkaas la xidhiidha, iyo weliba hay’adaha caalamiga ahi in ay howlaha ay dalka ka qabanayaan u dhex mariyaan hay’adaha waddaniga ah.
Markii ugu horraysay Marxuumku waxa uu ahaa ninkii waxqabadka hay’adaha si mug leh ugu jiheeyay gobollada bariga isaga oo ka feejignaa in ay abuuranto waxa loo yaqaanno “lopsided development” (horumar dhinac ka raran).

Waxa aan Eebbe uga rajaynayaa in uu u fidiyo naxariistiisa ballaadhan.Image may contain: 1 person, smiling, sunglasses, plant, closeup and outdoor

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker