Kenya oo ka hadashay khilaafka Imaaraadka iyo Soomaaliya

Nairobi(OWN)- Warbaahinta dowladda Kenya ayaa sheegtay in dowladda Kenya ay ka walaacsan tahay khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Wargeyska The Nation ayaa sheegay in dowladda Kenya ay si weyn uga walaacsan tahay Khilaafka sii xumaanaya ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

 

Waxaa uu sheegay Wargeyska in dowladda Kenya ay Aamin san tahay in tartanka ay ugu jiraan Sdowladdaha Carbeed uu sameyn weyn uu ku yeelan doono howlgalka Nabaddeynta Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Kenya ayaa sheegay in ay wanaagsan tahay in Soomaaliya la ilaaliyo Madax banaanideeda, islamarkaana laga joojiyo faragelinta.

 

Dhawaan Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in faragelinta Shisheeye ay sameyn ku yeelan doonto howlgallada Ciidamada AMISOM ee ka socda Soomaaliya.

Iimaaraadka ayaa hadal ay soo saareen ku sheegay inay joojiyeen hawlihii la xiriiray tababarrada milateriga ee ay soo wadeen tan iyo 2014.

 

 

Waxay kaloo Iimaaraadku bixin jireen mushaarka ciidamo ay iyagu tababareen.

Cilaaqaadka labada dal ayaa xumaaday ka dib markii magaalada Muqdisho lagu qabtay lacag lagu qiyaasay in ka badan 9 Malyan oo Doollar oo lagu keenay diyaarad ay Iimaaraadku lahaayeen. Dawladda Soomaaliya ayaa lacagtaas la wareegtay.

Iimaaraadka ayaa hadal ay soo saareen dhawaan ku sheegay inay joojiyeen hawlihii la xiriiray tababarrada milateriga ee ay soo wadeen tan iyo 2014.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker