Dawladda Kenya oo Dib u Furtay Waxbarashada Iskuulada
Waxaa maanta oo Isniin ah dib loo furay dhamaan iskuullada Waddanka Kenya kaddib bilooyin ay xidhnaayeen.
Malaayiin Arday ah oo ay Waxbarashadooda hakat gashay in tii lagu gudo jiray xayiraadaha lagu xakamaynayay cudurka safmarka ah ee covid-19, ayaa dib ugu laabanaya fasalladoodii.
Qaar ka mid ah ardayda ayaa waxbarashada ku sii watay qaab online ah, taas oo ardayda oo dhan aanay wada heli karin.
Waalidiiinta Ardaydaย dalka Kenya ayaaย walaac ka muujinayeen Xedhnaanshaha Iskuulada,
Waxaanay sheegeenย in qaabkaย online ka ahi aanayย Ardayguย wax ku baran karin, hayeeshee ay doonayaan in dib loo furo.