Dr. Cirro Oo Gudoomiyenimada Xisbiga WADDANI Ku Wareejinaya Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde Iyo Wakhtiga Uu Ku Wareejinayo

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Amxamed Cabdilaahi Ciro ayaa la filayaa in dhawaan gudoomiyenimada xisbiga Waddani ku wareejiyo gudoomiyihii ku meel gaadhka ahaa ee xisbiga Waddai Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo safar ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa todobaadkan ku soo laabtey caasimada Hargeysa , waxaana warar xog ogaal ah oo uu helay wargeyska Geeska Africa u xaqiijiyeen in Gudoomiye Ciro ku Jiro qaban qaabada wareejinta gudoomiyaha xisbiga , waxaana ay wararku sheegen in markaas ka dib uu u bixi doono safar dibada ah oo nashasho ah , sidaas-na Cabdiqaadir Jirde kula wareegi doono gudoonka hawlaha xisbiga Waddani.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde ayaa shirkii ugu danbeeyey ee xisbiga Waddani loogu doortey gudoomiye ku meel gaadh ah , waxase marka lagu wareejiyo uu noqon doonaa gudoomiye Rasmi ah.

Hadii ay rasmi noqoto in Cabdiraxmaan Ciro gudoomiyaha xisbiga Waddani ku wareejiyo Xildhibaan Cabdoqaadir Jirde , waxaa meesha ka bixi doona hadal heyn siyaasadeed oo dadka xisbiga Waddani Dhaliilaa ku doodi jireen taas oo ah in gudoomiye Ciro si fudud aanu ku wareejin doonin gudoomiyaha xisbiga Waddani.
Waxaa kale oo dadka siyaasada falanqeeya ay aaminsan yahiin in xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo gudoomiyaha xisbiga Waddanii la wareegaa ay sii xoojin doonto xisbiga Waddani.

Xisbiga Waddani ayaa sidoo kale dhawaan Doortay Xoghaye cusub oo loo doortey aqoon yahan Khadar Xussen Cabdi.

Geesta kalewaxaa isna shalay magaalada Hargeysa ku soo laabtey Hogaamiyaha xisbiga Waddani Mr Xirsi Cali Xaaji Xassan oo isna tan iyo markii doorashadu dhamaatey safar ugu maqnaa dalka dibadiisa.

Si Kasta ha ahaatee maalmaha soo socda ayaa la eegi doona isbedelka ku soo socdaxisbiga Waddani.

Source: Geeska Afrika

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker