Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Hargeysa Md.Axmed Yoonis Aadan Juxa Oo Beeniyey Dhimasho Hal Qof Oo Warbaahintu Baahisay Inuu Ku Geeriyooday Shaqaaqo Ka Dhacday Dad Ay Ka Raraayeen Dhaamka Qudhac Dheer

.Hargeysa(OWN)-Xoghayaha Dawlada Hoose ee Hargeysa Axmed Yoonis Aadan (Juxa) ayaa beeniyey warwar been abuura oo warbaahinta qaarkamidi ka baahiyeen shaqaaqo kooban oo saaka ka dhacday, Dhaamka Qudhac dheer oo Dawlada Hoose ee Hargeysa saaka ka raraysay dadweyne sifo sharci daro ah mudo u deganaa dhaamka dhexdiisa iyo hareerihiisa kuwaas oo halis ugu jiray inay qaadaan Daadadka roobka ee dhawaantaba qaaday qoys kamid ahaa dadka halkaas degan.

Xoghayaha Dawlada Hoose ee Hargeysa Axmed Yoonis Aadan (Juxa) oo qaar kamida Warbaahinta kula hadlaayey goobtan ay dadka ka raraayeen ayaa ugu horeyn waxa uu beeniyey in aanay waxba ka jirin in buuq iyo shaqaaqo ka dhacday rarida dadkani ay sababtay dhimashada hal qof isagoo arimahaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi” Saaka waxa aanu halkan ka bilownay rarida dadweynihii deganaa dhaamka Qudhac Dheer oo halis ugu jiray inay qaataan Daadadku , anagoo fulinayna amarkii Madaxweynaha Qaranku na faray waxa aanu si degdega ugu hawlgalnay sidii aanu u heli lahayn goob aan ka durugsanayn Dhaamkan Qudhac Dheer oo aanu u rarno dadka halkan degan ee halista ku jira, Anagoo isla markaasina helnay meel aan ka fogayn oo ku taala isla degmadan Maxamed Mooge gaar ahaan meel ku xigta halkii hore loo odhan jiray Xerada 24-naad oo wax ka yar 1km u jirta goobtoodan hore ee ay deganaayeen, taasi oo aanu u habaynay una qorshaynay sidii ugu haboonayd anagoo isla markaasina diiwaangalinay si cadaaladana ugu qaybinay dhamaan qoysaskii goobtan degnaa.

 

Dhinaca kale Xoghayaha Dawlada Hoose ee Hargeysa Axmed Yoonis Aadan (Juxa) mar uu ka hadlaayey shaqaaqo subaxnimadii saaka ka dhacday goobta oo ay warbaahinta qaarkeed ka faafisay war been abuura ayaa waxa uu yidhi” Saaka markii aanu bilownay rarida dadkani ayaa waxa dhacday shaqaaqo kooban oo ay soo abaabuleen dad aan kamid ahayn dadka degan goobtan oo iyagu ahaa dadkii sheeganayey dhulka isla markaasina maatidan ka kireeyey dooxyadaas iyo dhaamkaas aad aragtaan dhexdiisa kuwaasi oo rabshada u abuurayey inaanay ka go’in kirada ay maatidan ka qaataan , Hadaba saaka markii aanu bilownay waxa dhaawac soo gaadhay nin kamida dadkii goobtab deganaa oo ay iska horyimaadeen Ciidamadii amniga ee goobta ka hawlgaalayey kaas oo dhaawaciisii hada lagu daaweynaayo Cisbitaalka Guud ee Hargeysa.

 

 

Xoghayaha Dawlada Hoose ee Hargeysa Axmed Yoonis Aadan (Juxa) ayaa waxa uu nasiib daro ku tilmaamay Wararka been abuurkaa ee qaar kamida Warbaahintu ka qortay Shaqaaqadan isagoo arintaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi” Falkaas saaka uu ku dhaawacmay muwaadinkaas kamidka ahaa dadka ay Dawlada Hoose raraysay ayaa qaar kamida Warbaahintu ay faafiyeen inuu dhintay taasi oo aan aad ula yaabnay waxa ay ka faaidayaan warkaas been abuurka ah ee aan waxba ka jirin ee ay bulshada u gudbinayaan”

 

 

Gabagabadii Xoghayaha Dawlada Hoose ee Hargeysa Axmed Yoonis Aadan (Juxa) waxa uu Warbaahinta Madaxabanaan ee Somaliland usoo jeediyey inay ka waantoobaan wararka been abuurka ah ee ay maalinwalba bulshada u baahinayaan isagoo isla markaana uga digay inay iyagu abuuraan falal Nabadgalyada dalka waxyeelaynaaya

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker