SV: GABAY FARIIN TUKE YURUB ISMAACIIL FAALIYE

nin haduu gaboobuu wax badan dunida guud joogo

gadaalbuu ka haasawin jiray geeduu maraye

gab-gab faranji gaadh iyo dadaall gaalo camallkeede
———————————————————————-
halku dhagii ABWAAN DALAAYAD RABI HAW Naxariistee
————————————————————————–

hadii aad maqli jirtay iyo hadii aanad maqalba waxa

jira ama la xaqiijinayaa inay jiraan shinbiro u kala goosha

caalamka badaha buura iyo daruurahabana isaga gudba

hadaba aniga laftaytu kuwaas mid ka mida ayuunbaan

tixdan gabayga ah farayaa cidii aan taa rumaysayna

waxa jira dhawr sano ka hor in barnaamij ku saabsan

shinbiraha caalamka isaga gudba laga soo duubay sland

gaar ahaan gobalka sanaagg meesha la yidhaahdo

rabshiga iyo tabca ninka soo duubay magaciisa waxa

la yidhaahdaa terri qofkii u baahan inuu daawadana

yuotubaka ayuu ka heli karaa isagoo ku qoraaya buurta

rabshiga hal qabsiga gabaygana ninkaa barnaamijka soo

duubay magaciisa waan ku xusay waana terri maansadina

waxay ku bilaaban tay sida tani soo socota ka bogasho wacan
——————————————————————————-

dalsan udubku waa teedsan yahay tog iyo buuraaye

taariikh iyo wax sheeg togan ayaan ku dul marayaaye

shinbiryahoow tan aan imi tusmadan kaa aqoonsadaye

taleex iyo dhulkeediyo halkay taxantay soomaali

Daaqsin iyo tigaad nool gayigay lagu tanaad yeelyehe

bankii tuuyo baalalay ku sugan waad la qaab tahaye

tukaa yurub ka tagayoow adaa tabin warkaygaase

adigaa taraaggyada u baxa meel kastooy tahaye

adaan taayir shaagoo banjaray taradh kharaabane

talowgaagu afirikuu yahoon lagu tilmaamayne

tabahaaga badahaad dul mari room talyaaniga,e

geestay taalo soomaalibaad qun u taqaanaaye

akhbaar terri soo duubi jiray waa tibaax mudane

tartarkaad rabshiga dhigan tabcana waad ku daal bixiye

tin cadlihiyo geedkii ku mudi tiinka mooyaane

isku taag dhirtaado adoo kor u tiraabaaya

darka tuman magaaliyo miyiga toonka iyo tuule

dagta iyo tunkoodiyo garbaha tuurahaa rarane

wiilba kaartu tii, uu yiqiin dhabar tukaalaynta

dhumashaday tukubayaan baqaha toorahaad garane

soo tahriibka kuwoodaa rabee soo tigtigan haatan

heedhe waxaad tidhaahdaa adoo taxaya gabaygaykan

———————————————————————-

toobad seegtay soomaliyeey tororoggtiinii dheh

tadarr qaadi maalkay lahaydd taah mirqaan madhi dheh

tiiraanyo geestiin qabiil tacadi naafee dheh

waxaad taxadka hoos ugu xigtaan waa ab tiris qoys dheh

intaad adigu isku tookhayseed tookasho is dilaysay

tisciin saniyo totobaatanaa loo tartamay dheef dheh

isku tiirsanaanbaa ilayn lagu tanaadaaye

tafaraaruq soomaaliyeey waa tunkaa sudhan dheh

cimilada dalkiiniyo tayadu caalam, maba tiil dheh

badu waa tamuux qani dhulkana xoolahaa tuman dheh

tikaar qodasho waa dharagg talaall beero loo kaco dheh

tuskii roobi kayntuu ku da,o way tuftaa midho dheh

soomaalina tahriibaa ayay lee,taa tarab dheh

dawarsiyo taraaraha qurbaha tuugsibaa u qoran dheh

xoogiin turuq laxaadkiin sidii toojo yuu gudhin dheh

iyaguba tabaaliyo kol mare shay tacluus adagge

yurub tacabku hawll yari ma iman toodho iyo faan dheh

hayeeshee tartiiba dadaal loo tiriig shiday dheh

taygan luqunta cunahaa la sudho teetalbuu yahay dheh

markii diinta tawxiid xaqii taarigg laga raacay

taqwadii islaamkuna baryahan waa tashuush badan dheh

soomlidan tasowdaay mudaa turun turowdeene

idina waydun toosnaan hadii,aad isu tudhaysaan dheh

teel iyo banaan iyo arrlada tiiro iyo buuro

qoomba meel- la teedshaa ilaah dhigay turaabtoode

waxay tahayba ciidiyo dhulkiin tiina aamina dheh

iska dhuranka towtawda madhan haw dhag taagina dheh

ma tigaantigg yeeshaan bar-baar tuuray waanada dheh

talo waalid kuwa diidayoo tadhadhaqlaynaayay

tarbiic liica gaajada wax badan tiice oo lume dheh

dhunyaall iyo tahriibaa hadii laga tacliin eegto

qaar horaan tin laga hayn intooy teri gareeyeen dheh

wax ku taamill qaataay jabkiyo shalay tusaalaa dheh

haan gunbay ka tolantaa salkaa laga tis raacaaye

dhul ma mare indhaha tiran iyaba waa tiraab hore,e

taftii hooyadaa iyo halkay gogoshu kuu taalay

adoon dhaafin tiirkiina iyo baro ka tooskiina

oo aan dunida waayaha tunaba saban ku taabsiinin

tabaq dhoonka waa lagu lumaa taargadd yooll- li,iye

wiilba towda habarrtii ku tabi soo war tabintiiye

iska tooci toorahaadd aqoon taar gal waa qalad dheh

col taraaray isagoon war qabin mooyi tuu mudan dheh?

wax soo taransigiinuna fartii yuu tog dheer noqon dheh

taajir iyo fiqiirkuna nolosha way tartamayaane

mag tub iyo arsaaqdiin hubaall ku tawaad qoran dheh

tusmaa samirrna lagu hiigsadaa tiigso leedahaye

ninba tacabna tii, uu dhigtuu toga ka malaa dheh

ruuxa tiinka beertana timiri may u soo bixin dheh

xansharaad tabtoodiyo takfida hays tir goynina dheh

cadaab laguma tuuroo naftuna qaalibay tahay dheh

taban iyo aduunkaa dhib iyo tabasho taalaa dheh

tabaabushiyo tuu magaana tiro xisaabtiiya

ruuxba tiigso hadafku lahaa iil yarbuu tagi dheh

ma gafuu tab kaartiyo shax iyo taatikuu dagaye

hadhaagoow tunkiiniyo kalyaha toorayda ka jira dheh

waa tafaafil sidan, aad wadaan siidh go, tarameed- dheh

tawraadd iyo ijiin iyo furqaan taxane diinteena

taariikhda may dhicin malaha waar tan oo kale dheh

waa akhiru sabaankii tirsigu uu tilmaan qoraye

galbeedd toyatay soomaali, iyo geedi tahan dheere

tubtoodii xadiisyada wakhtigan toobada ku dhaga dheh

tawxiidkiyo quraankiyo casharo laga tuf qaadaayo

ale iyo tawaabaha qalbiga samo la tuugaayo

tafaasiisha culimooy xagiin badi taxliilaa dheh

taban-taabsho inkastooy ku siin taakulayn lacagg ah

waa wax taarigg ka soo galoon aan wax tarahayne

yurub tacabka yaaliyo shaqadu taabud noqon waa dheh

xaraan tuludi niriggtay dhashaa waa tabteed u dhigan dheh

taran ma laha maal deeqsigood gaalo tumataa dheh

tin cadlay ujeed li,i santina taano bixin waaye

intooy noo tawaabaan dib kharash u tabaan dheh

waa dhaqaale taagaysanoo dheeli loo tiray dheh

waa tareenka ku adeeg tak iyo toonka suuqyada dheh

ama tuhuna aan qabay baryana tikidh u soo goostay

oon tigaada yurub gaadh lahaa doolarada tuulan

hamo tamani taan maaganaa taab kumaan dhigin dheh

shay la taabto sharcibuu i taray toogo reer yurub dheh

warwarbaase taa dheerr hadii taajirr lay qabo dheh

maantana toloow iyo tafikirr taaganbaa jira dheh

anigoon tawaawicin waxan helana tuuryeeya

gunta hadalku halka ay tahaan idin yar taabsiine

afrikaayna tuhunkaagu badan dhawda tilifoon dheh

yurub dhaqana waa uu tirmaa diina maba taal dheh

caruurrtana tartiibaa intaa loo tashanayaa dheh

hayeeshee tabtaasaan hadana kula tacaalaa dheh

intaan karayo waan tiiriyaa taag xilkay yahay dheh

taclintooda ku dadaal iyo hooy tarbiyadood-dheh

rabaan ducuda uga tuugayaa tukasho layllkii dheh

tisqaadkooda waan jeclahay taabo galistoode

haduu ubadku ii tooso,ooy kala tasaw yeelan

ama waa u tukubayaa inaan tawakall siibtaa dheh

haday tacabir dhoofaan dadkuna tooda huri waaye

wax noo dhaama maan aragg tukokoow taynu leenahay dheh

calafkaana meeshaad tagtaba kula talaabeeye

markaan labada tootaliyo, een eebo talo saarto

yurub joogis teer halkeen teene door biday dheh

ale u siman tuule aamin iyo toranto u tahriib dheh

qofkii maalka intoo loo tamilay lacagta loo toomshay

iyo tarayga shaahaba mid gada timirta kaa miisa

ruuxba taano irsiqq loo qoraan tahari dhaafayn dheh

balse ninba turaabtii libaax taykarr noqoy aarr dheh

aqoonbay tolkaa iyo xigtadu ku ab tiriyaane

tog wajaale caynaba tusmada gobolkan hawdeeya

bankii tuuyo toon iyo taleex araddka soomaali

toonkii suuqa waheen ayaa lay tix galin laaye

halkii xeradii taar dheer ku tiil toobiyii shacabka

ana waxaan ku taamaa dunbuluq tootashaan garan dheh

kolay taqadku wuu saaran yahay ruux qurbaa tagaye

tana naygarr madowbaan ka ahay toyasho haybteed- dheh

hadaan mawdku i tudhsiininoon teerida i marinin

tagoogaa togii herar fadhiga tusbaaxaan ku rogi dheh

dhulkeenay dhex taalaa nimcee loo tub sixi waaye

tigaad maalka daaqaa xageen tayo lahaa noole

caano tiirsan dhay iyo liskii tarabtii geeleene

dal tabyada i haysiyo waxaan tabaya waa muush dheh

ilaa toban diraacood ma aragg meel tolkay dago dheh

totobaadyo bilo kaamilaa loo kal tiriyaaye

tawxiid ku qoran waa, aan arrkaa neefaf tuludoode

xalaashoodse meeshay ka timi taa ma sii hubo,e

quud- dalaagad taxadkeed ku jira loo turqiyay aaddna

danbaa tidhiye waxa,aan cunaa ceesh talaal badan dheh

waxaan diiday timahaa ka badan ee turxaan lihi dheh

tafaasiil ma koobtiyo xog aan gabay tiraabaa dheh

ragg tabaaladii sheeg dumarna taash barwaaqo ahe

sida roobka baraf tiixayaa soo tif qabow daac dheh

tabtii awrrta heeryo loo tolltolay duuddka lagu tuulay

is tiggtigay dharaarr duhur maryaha aan tigraarr xidhan dheh

tafo cumar taabeeliyo tinikhba ii markhaatiyahe

waagan tiimka u ciyaari jiray bari tilmaanaaye

waxaan orodka tawlaynn jiriyo tababarkii waayo

kabo adagg talaabada qadhbaan tukube luudaa dheh

ku tiriyo ku teentaa markaba lala dhag taagaayo

warka tibixdu kala haab ahiyo toodan waaqu,dheh

dadkii tacabirr soo dhoofayee yurubna soo taabtay

tolaahaan ku dhaartaye qof yimi hoga tus faaloo dheh

haday iyagu isku tiirsadaan looma taliyeene

teel-teelkan kala qaybsamay tamarr ku waayaane

tignoojiyada xoog iyo suunaa taagba laga roone

tafaraaruq goortay noqdeen toorin lagu maallye

caradooda muslinkii tagaa lagu tikooraaye

haka sugin tudhaalana kufriga teelo kuu dhigane

si islaamka loo toocsadoo loo tirtiro diinta

wax galbeedna isku taabacoo taargadaa jira,e

tijaar cawarrna wuu u soo baxoo waa taroom waale

cunsuriyadu way soo tartaa yurub dhex taalaa dheh

tii ay gaalo na doonaysaan nahay tabdeedii dheh

ana gabay wuu ila tarmoo waan taraaraxaye

waxba yaanan sii tixin araarr talax tageedaase

murti tarabalkeeduba macnaha wuu tir-tirayaaye

adna yaanan waaryaa tukoow ku tan dhaaf rarine

maanso togan wax sheeg mudan midh aan tuduc la tuuraynin

taariikhda maantana ku qora adayga tiisaa dheh

——————————————————————–

waxaan hoga tusaaliyo naxwaha taxayo weedhoodna

aftall ducadu waa ay u tahay toogo qumayaaye

dhulkeeniyo turaabkiyo badaha turufo loo qaatay

tafaariiqna loo gaday sidii xoolo tuman sayladd

tiiraanyadoodaa qalbigu taam i noqon waaye

da,da toban gu, teedhiga anoo tiro yar uun dhaafay

waa waxay tukoow boos timuhu ii yihiin muruxe

tolaayeey hal door iyo ragii talo san goynaayay

wax maankaygu tabayaa midnimo lagu tanaadaaye

tiriigg lagu shidaabaa mugtiga toosh cadaynn jiraye

tir-tirsiga dadkaaga iyana lala tacaalaaye

uunkoo taaha khuurada bogtoo lugaha taagaaya

maanso tafatirkeedaan saq dhex teeb ku qorayaaye

ana waxaan u tuuraa hurtada shacab tilmaantiiye

dhagax tuujis isma doorsho iyo ayarr taabsiga

umadd qoom tasoowdaa xaqiiq way tirrtirantaaye

mataalkayga waxa, aad tihiin male tabtaasuune

halkay taalo soomaalibaan toosa lee yahaye

alahayoow na takeerr aday taada noqotaaye

——————————————————————

LA SOCO  BILOWGIISA IYO DHAMAYS TIRKA

GABAYGA  JIMCAHA DANBE HADII RABI IDMO

——————————————————————

curiye ismaaciil ibraahin xasan

——————————————————————-

facbook ismaaciil faaliye

——————————-

ACW SALAANI KORKIINA HA AHAATO

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker