Qiimaha Roodhida Oo Kor U Kacay Iyo Xukuumada Oo Kordhisay Qiime Biyaha 52%.

 

Bulshada reer Hargeysa, intooda hesha biyaha wakaaladda biyaha Hargeysa ayaa biilka halkii mitir kuyuubic (Meter cubic) waxa loo xisaabin jiray 9500 oo lacaga Somaliland ah, laakiin toddobaadkan ayaa la kordhiyay oo laga dhigay 14500. Qiime kordhintan ay maamulka wakaaladda biyaha Hargeysa sameeyeen ayaa marka loo eego qiimihii hore wuxuu boqoley ahaan noqonayaa in la kordhiyay 52%.

 

Inkastoo aanay inta badan ee bulshada Hargeysa helin biyaha wakaaladda biyaha Hargeysa, haddana qiimahan ayaa waxa ka qayliyay bulshadii biyaha heli jirtay, mana jiro war faahfaahsan oo ay wakaaladda biyaha Hargeysa ka soo saartay qiime korodhkan.

 

Dhinaca Kale Qiimaha Roodhida Oo Kor U Kacay Iyo Bulshada Reer Hargeysa Ka Gadooday Iyo Fariimaha Ay U Direen Xukuumadda Biixi.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker