Milkiilaha Shirkadda ASLI MAYDI Oo Kuurka Ugu Jira In Madaxweyne Muuse Biixi U Magcaabo Wasiir Iyo Mucaaridka Oo Dabada Ka riixaya.

 

 

Ceerigaabo(OWN) Warar laga helayo Ilo xog-ogaal ah ayaa tibaaxaya in Milkiilaha Shirkadda ka ganacsata Beeyada ee ASLI MAYDI Barkhad Jibiil oo ah ganacsade dhallinyaro ah oo dhaqaale badan haysta uu dedaal ugu jiro sidii Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ugu magcaabi lahaa xil wasiirnimo.

 

Ganacsadahan ayaa muddo bil ka badan ka hor wuxu Madax-dhaqameed iyo waxgarad uu isagu soo xushay oo tiradoodu boqol ruux kor u dhaaftay kana soo kala jeeda gobolka Sanaag iyo bariga Saaxil u kexeeyey caasimadda Somaliland ee Hargeysa halkaasoo ay weli ku sugan yihiin, wuxuna madax-dhaqameedkan iyo waxgaradkan faraha badan ganacsadahani quud-darraynayaa dhawr jeerna weliba isku deyey inay la kulmaan Madaxweyne Muuse Biixi si ay uga dhaadhiciyaan in ganacsadahani yahay mid kalsooni badan ka haysta degaannadaas islamarkaasna ay doonayaan in wasiir loo magcaabo, haseyeeshee taasi weli uma suurtagelin kaddib markuu meesha soo galay dareen shaki siyaasadeed oo xukuumaddu ka muujisay ganacsadahan iyo ujeeddada waqtigan uu usoo ururiyey madax-dhaqameedka iyo waxgaradkan tirada badan.

 

 

Guddoomiyaha Xisbi-mucaaridka Waddani C/raxmaan-cirro iyo xubno sar-sare oo xisbigiisa katirsan oo Khamiistii 03/5/2018 iyagoo meel fagaare ah kala hadlayey bulshada Ceerigaabo ayaa iyaguna waxay Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa ku dhalliileen in madax-dhaqameedka iyo waxgaradkaas  xukuumaddu diiddey inay la kulanto, taasoo u muuqata in damaca siyaasaddeed ee ganacsadahani yahay mid taageero ka haysta ama kutiirsan Xisbi-mucaaradka Waddani.

 

Dhinaca kalena ganacsadahan dhallinyarada ah dhaqaalaha xad-dhaafka ahna haysta ayaa hore uga mid ahaa shakhsiyaadkii taageerada u hayey Xisbi-xaakimka Kulmiye dhaqaale fara badanna sida la sheego geliyey waqtigii tartanka doorashada madaxweynaha haseyeeshee xilligan u muuqda inuu u janjeedho dhinaca mucaaradka.

 

Oodweynenews.com/Ceerigaabo

 

HALKAN HOOSE KA DAAWO HADALLADA MADAXDA XISBIGA WADDANI EE SHIRKADDA ASLI MAYDI

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker