Kitaabka Alle KU Dhaqankiisey Ku Jirtaa Danteenu

Ugu horayn, kitaabka Alle waa kitaabkii ugu danbeeyey kutubtii la soo dajiyey, Allena kutubtiisa ku khatimay, waana kitaabka kaliya ee joogaya ilaa qiyaamuhu ka dhacayo kana jawaabaya wax kasta oo bini aadamku u baahan yahay iyo dhacdo kasta oo soo marta dunida xilli kasta.
Waa kitaab mubaarak ah, hanuun, hogaan cad iyo nuur inoo ah, waxa uu Alle ka dhigay nidaam la raaco, digniin, naxariis, waxa uu sidoo kale ka dhigay daawo, wacdi iyo waano sida uu alle kitaabkiisa inoogu sheegay.

Kitaabka kariimka ahi waxa lagu soo aaminey loona soo dhiibey  jibriil markaasuu noqday, Sayidul malaa,ika, waxaana loogu yeedhay Ruuxul Amiin.
Waxa uu ku soo degay nebi muxamed scw waxanu noqday Sayidu awaliina wal aakhiriin, waxaanu noqdey afdalul rusul.
waxa uu ku soo degay ummada nebi muxamed waxaney noqotey sayidul ummam, wuxuu soo degay bisha Ramadaan waxaaney noqotey sayidu shuhuur, wuxuu soo degay habeenka laylatul qadri waxaanu noqdey sayidu layaal.

Waxa uu Alle ku sheegay kitaabkiisa kariimka ah, hadii ay jin iyo insigu isu kaalmaystaan in ay keenan kitaabkan oo kale ama suurad ka mida ma awoodaan, xataa aayad ka mida ayaaney awoodin.

Dhamaan noolaha adduunkan ku kor nooli waxay u baahan yihiin kitaabka Alle, haday noqoto mida caqiidada iyo waxa la rumaynayo iyo sida Alle loogu xidhnaanayo oo loo baranayo Allah subxanahu watacalla.
Haday tahay mida cibaadada iyo sida illahay loogu hogaansamayo oo camalka wanaagsan loogu dhawaanayo, haday tahay mida qoyska sida qoys loo maamulayo, sida ilmaha loo tarbiyeeyo sida xaaska loola dhaqmayo, nidaamka guriga oo dhan ayuu Alle SWT kitaabkiisa ku cadeeyey, sidoo kale dadkaasi xuquuqda ay kala leeyihiin hadii ay geeriyi timaado sidii loogu kala qaybin lahaa dhaxalka, sida loola dhaqmayo waalidka aabe, hooyo iyo dadka waaweyn, qaraabada iyo caruurta sidoo kale xaasaska sida loola dhaqmayo.

Alle waxa uu kitaabkiisa ku cadeeyey dhaqaalahooda sida ay u maamulayaan, oo waxa uu Alle u xalaaleyey ay u cuni lahaayeen, wixii uu Alle  ka xaaraantimeyeyna ay uga joogsadaan, xoolahana aaney si baadil ah u kala cunin.
Ganacsiga sida loo ganacsanayo, suuqa sida looga dhaqmayo si xalaala ay wax u kala iibsanayaan, sida ay u kala qoranayaan, heshiisyada sida ay u galayaan iyo meelaha ay arsaaqda ka raadinayaan ayuu Alle kitaabkiisa ku cadaynayey.

Maamulkooda, nidaamkooda, kala danbayntooda, nabadgelyadooda, siyaasadooda, xiriirka iyaga dhexdooda, xiriirka iyaga iyo dadka aan muslimka ahayn ayuu Alle ku cadeeyey kitaabkiisa.
Horumarka, bulshada, xadaarada, ilbaxnimada, quruxda iyo maamul wanaaga, dhmaan arimahaas oo dhan waa ay ku cadyihiin kitaabka Alle.

Haddaba waqtigan aynu joogno dawladaha muslimka ahi badankoodu waxay ka isticmaalan kitaabka kareemka ah qaybo kooban, kuwo waxa ay  u doortaan xaga caqiidada, qaarna cibaadada, kuwo kale dhaqanka qoyska, laakiin wey yartahay dawlad maanta kitaabka dhamaantii isticmaasha oo adeegsata kaligii, waana ta keentay in maanta bulshada muslimka guud ahaan ay ku jiraan dhibaatooyin aad u adag iyo masiibooyin halisa.

Iskadaa wax kale waxa la kala saaray barashada cilmiga iyadoo shareecada gaar loo yeelay cilmiga maadiga ahna gaar, waxaana dhab ah oo jirta cilmi kasta oo la gaadhey in kitaabkeenu uu ka hadlaayo agriculture, medicine, enginering, intaba kitaabkeenu wuu ka hadlayaa.
Kitaabkii meel ayaa uu iska yaalaa alle uu u igmaday in kowkan lagu adeegsado laguna dhaqmo, waxaana bedelay dastuur reer galbeed ka yimi oo ah xarfo la walaaqay iyo wax dhowr nin ka soo talo bixiyeen ah, Xeerka J, faqradiisa X, qodobkiisa T, iyo waxaan dhaamin ayaa ku xardhan oo aad ka arkayso maan-gaabnimada ku jirta cidii asaastey markiisa horeba.

ummada muslimiintu hadda waxa ay yihiin dad indho la.aan socda oo mugdi jibaaxaya.
Waxaaney waliba u dhiibtey hogaankii haday noqoto siyaasadii, dhaqaalihii, horumarkii, ganacsigii iyo waxqabadkii mid kale oo indho la,a. Xagee ayuu ku gayn qof indho la,a hadaad usha u dhiibato, isna god ayuun buu kugula dhici.

Haddaba waxa aad u muhiima in aynu u laabano halka ay danteena iyo liibaanteenu ku jirto oo ah quraanka kariimka ah.
Aqoonyahanku waa in uu u laabtaa quraanka, hadii aanu soo marin kitaabka Alle maaha aqoon yahan.
Siyaasigu hadaanu quraanka soo marin, siyaasi noqon maayo.
Madaxweynuhu hadaanu quraanka soo marin, madaxweyne noqonmaayo.
Dhaqaale yahanku hadaanu quraanka soo marin dhaqaalihisu waxba tari maayo.
Ardaygu hadaanu quraanka soo  marin, arday noqon maayo.
Macalinku hadaanu quraanka soo marin, macalinimadiisu waxba tari mayso.

Bulshadu dhamaanteed waa in ay noqotaa bulsho ka shidaal qaadata quraanka markaas ayaa duliga, jahliga dhibaatada, dulmiga, qaxa, abaaraha, dagaalada iyo masiibooyinka aynu ka baxaynaa waana xaqiiq.

Ugu danbayn, Shakhsi kasta oo muslim ah waxan kula dardaarmaya in aad ka mid noqoto saddexdan ee aanad noqon ka afraad anoo naftayda ka bilaabaya.

1. In aad noqotid ehlul qur,aan, qof quraanka xifdisan xili walba akhriya, isla markaana ku dhaqma.
2. In aad aad lahaato quraan akhris joogto ah maalinkasta juz, ka badan ama ka yar.
3. In aad dhagaysato qur,aanka hadaanad labadaa kale awoodin.

Hadaynaan saddexdaa ka mid ahayn waxan nafaheena uga baqayaa in aan ka mid  noqono ka afraad oo ah.
4. In aad noqoto qof quraanka Alle ka haajiray oon aan aqoonin xilli uu kitaabka alle kala furay, alle kuwaa inagama yeelo

ALLA MAHADLEH
Ahmed Harir Adam
Hargeisa, Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker