Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Oo La-filaayo Inuu Bari dalka Kusoo Noqdo

Hargeysa (OWN)-Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee
WADDANI Xirsi Xaaji Cali Xasan oo muddo dhowr bilood ah ku maqnaa socdaal uu ku joogay qaar kamid ah wadama Yurub iyo Afrika, ayaa la filayaa inuu maalinta Beri ah ee Sabtida uu kusoo laabto dalka, sida ay wargeyska Somalilandtoday u sheegeen ilo xog-ogaal ah oo ka agdhow isaga

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Xaaji Xasan, ayaa socdaalkiisa uu dalka debadiisa ugu maqnaa dhawrka bilood uu ahaa mid shaqsi oo u agaar ah isaga, balse waxa la filayaa inuu hoggaamiye Xisbi mucaaradka WADDANI uu maalinta sabtida kusoo laabto dalkiisa Hooyo.

Dhanka kalene Hoggaamiyaha mayalka adag ee WADDANI Xirsi Xaaji Cali Xasan, ayaa waxa loo dhegtaagataa Nuxurka khudbad uu marka uu dalka soo gaadho ujeedindoono bulshadiisa, maadaama oo aanu muddo la haddal, taasi oo uu kaga haddlidoona xaalada guud ee dalka xadhiga Boqor Buurmadow iyo arrimo kale oo mihiim ah, waxaynu dhawrnaa oo imaansha Hoggaamiyaha WADDANI iyo dhadhanka ay yeelan doono khudbad uu la wadeegidoono Bulshadiisa.

 

Source: Ileysnews

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker