Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Oo Tacsi U Diraya Qoyska Marxuum Ibraahim Ismaaciil Yuusuf (Dhabbuuke)

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay  Alle ha u naxariistee  MarxuumIbraahim Ismaaciil Yuusuf (Dhabbuuke) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 04/05/2018, magaalada Burco.

Madaxweynuhu waxa uu si gaara uga tacsi yadaynayaa geeridaasi wasiirka wasaaradda Horumarinta Caafimaad, Mudane Xasan Ismaaciil Yuusuf oo ay marxuumka walaalo ahaayeen.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

Aamiin Aamiin Aamiin

  Maxamuud Warsame Jaamac

Afhayeenka Madaxweynaha JSL.

 

 

           

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker