Khilaaf Soo Kala Dhexgalay Saldhigyada Milatari Ee Shiinaha iyo Maraykanka Ee Dalka Jabuuti

Jabuuti (OWN)- Dawladda Maraykanka ayaa si rasmi
ah cabasho ugu gudbisay dawladda Shiinaha ka dib markii marar kala duwan la shiishay oo shoocaac lagu qabtay duuliyeyaasha Maraykanka.

Shiinaha iyo Maraykankuba waxay saldhigyo milatari ku leeyihiin Jabuuti

Shucacaas ayay sheegtay in lagaga soo shiishay saldhiga ciidammada Shiinuhu ay ku leeyihiin Jabuuti.

Wasaaradda gaashaandhigga ee dalka dalka Maraykanka ayaa Shiinaha ka codsatay in ay badhitaan ku sameeyaan arrintaas oo dhibaato ku haysa duuliyeyaasha Maraykanka.

Wasaaraddu waxay sheegtay in dad ku sugan Jabuuti ay Shucaaca ay milatarigu wax ku shiishaan ku qabteen duuliyeyaasha Maraykanka ee soo cagodhiganaya.

Hal dhacdana labo duuliye oo waday diyaarad xamuul ayuu dhaawac sahlan ka soo gaadhay indhaha ka dib markii shoocaacaas lagu soo shiishay, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker