XOGHAYIHII GUDIDA AFSOOMAALIGA. (CUMAR AW NUUX MOHAMED).

GUDIDII QORTAY AFSOOMALIGA XUBINTII        UGU FIRFIRCOONAYD

XOGHAYIHII GUDIDA AFSOOMAALIGA.
  (CUMAR AW NUUX MOHAMED).

Akhriste wax ka ogow taariikhda dahabiga ah ee aqoonyahan sare /qoraa sare /khabiir dhanka dhaqanka iyo Hidaha soomaaliyeed,al Ustaad Cumar Aw Nuux Mohamed .

(Xubin sare oo ka tirsanaa gudidii qortay afka hooyo ee somaliga ahaana xoghayihii gudida afsomaliga ee maamulay /maareeyey hirgalinta afka soomaliga).

Cumar Aw Nuux Mohamed waxa uu ka tirsanaa akadamiyada hidaha iyo dhaqanka oo hoos imaanaayey ama qayb ka ahaa /ama waax ka tirsan wasaarada waxbarashada ee dalkii la odhan jiray somalia , dhamaan gudida afsomaliga hirgaliyey ee qoray waxay ahaayeen dhamaan shaqaale ka tirsan akaadamiyada hidaha iyo dhaqanka soomaaliyeed marka laga reebo xubno odayaal .

Markii la magacaabay gudida afka soomaaliga loo xilsaaray inay soo dajiyaan , gudidaas oo markii hore ka koobnayd 12 xubnood , mudane Cumar Aw Nuux Mohamed waxa uu noqday xubin ka tirsan gudia , waxa kale oo loo magacaabay Xoghayaha rasmiga ah ee gudida , isagoo ahaa mishiinkii dhaqaajinaayey howlaha lagu dajinaayo luuqada afka somaliga .

Gudidii afka soomaaliga aan idiin yara tilmaamo :

1.   Yaasiin Cismaan Keenadiid (Gudoomiye , ka tirsanaa akadamiyaha dhaqanka )

2.   Cumar Aw Nuux Mohamed ( Xoghaye , ka tirsan akadamiyada dhaqanka )

3.   Jaamac Xaaji Xasan (karaaniga , kana tirsan akadamiyada dhaqanka ),

4.   Ahmed ali abokor ( xubin , akadamiyada )

5.   Aw jaamac Cumar ciise(xubin , akadamiyada ),

6.   Muuse Galaal (Xubin , akadamiyada )

7.   Mahamed shire gab ( xubin , wasaarada waxbarashada),

8.   Abdi daahir afay (xubin )

9.   Xuseen Axmed Kadare ( xubin),

10.   Shire Jaammac Axmed (xubin),

11.   Axmed Cabdilaahi Qaalib (xubin ,odayaasha),

12.   Mohamed Xaaji xuseen ,sheeko xariir ( xubin ,odayaasha).

Waa gudidii ugu horaysay ee loo magacaabo afka soomaaliga inay soo diyaariyaan , soo dooraan nooca uu noqon doono xuruuftiisu , waxaa gudidaas lagu kabay lagu kordhiyey , markay gudidu wax walba diyaarisay ee dhawaaqii uun uu hadhay , xubnahan hoose :

13.   Ahmed ashkir bootaan (wasaarada waxbarashada )

14.   Axmed xange ( wasaarada waxbarashada ),

15.   Dahabo faarax ( maamulaha akadamiyada dhaqanka),

16.   Yusuf axmed xirsi , ( dhakhtar ka socda wasaarada caafimaadka),

17.   Xaaji Aadan Afqalooc ( ka tirsan Odayaasha )

18.   Aw caaqib cabdilaahi ( ka tirsan odayaasha).

Intaasay ahaayeen gudidii afka somaaliga hirgalisay dhamaantood waxay qabteen shaqo muhiim u ahayd dhamaan umada /qowmiyada somaliyeed ee geeska Africa ku nool. Alle haka abaalmariyo.

Ustaad cumar aw nuux Mohamed waxa uu ahaa xubintii howshaa ku mutaysatay bilada dahabiga ah oo uu gudoonsiiyey madaxweynihii waqtigaas siyaad bare .

Ustaad Cumar Aw Nuux Mohamed waxa uu tiir adag u ahaa hirgalinta afkeena hooyo ee soomaaliga , waxa uu watay koox ka kooban 4 xubnood oo diyaariyey halku dhagyadii lagu hirgalinaayey afka somaliga , daabacadihiisii koowaad , erayadii laga soo daynaayey idaacada ee dadka lagu xifdisiinaayey afka , kooxdaas oo saldhigeedu  ahaa jaamacadii lafoole waxaanay kala ahaayeen :

1.   Cumar Aw nuux Mohamed (Xoghayaha Gudida afsoomaaliga )

2.   Jaamac xaaji xasan , (karaaniga gudida afka soomaaliga )

3.   Likar baana xaddaaad (farshaxan ka tirsan wasaarada waxbarashada )

4.   Hibo ahmed ( karaani ka tirsan wasaarada waxbarashada )

Ustaad cumar Aw nuux Mohamed waxa uu ku mutaystay biladaas shaqo wanaag, waana biladii ugu saraysay ee qof shaqaale ah oo somali ahi ka helo dowladii kacaanka waqtigaas , waxaana biladaas la gudoonsiiyey 06 maarso, 1975.

Ustaad Cumar Aw Nuux Mohamed waa khabiir in badan usoo shaqeeyey umada somaliyeed gudo iyo debedba , waxa ku duuban sooyaalkii taariikeed ee umada somaliyeed guud ahaan, waa qoraa qoray buugaag badan si uu ugu faaiideeyoumada soomaaliyeed iyo waayahay soo martay.

Ustaad Cumar Aw nuux Mohamed waa daaci ka shaqeeya arimaha diinteena suuban , waxa uu degenyahay kuna noolyahay wadanka Qatar , alle cimriga iyo caafimaadkaba how siyaadiyo.

Waxaan idinla wadaagi sawirkii bilada la gudoonsiiyey 6 maarso 1975 tii .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker