“Wasiirka Maaliyaddu Waxa Beesha Dhulbahante Ku Sheegay Dad Bilaa Diin Ah, Aniga Haddii Aanu Muuse I Khasbin Muqdisho Iyo Garoowe Tagi Maayo” Xaglotoosiye Oo Si Adag U Hadlay

Wasiirkii caafimaadka xukumaddii Siilaanyo Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye oo Dubai jooga ayaa si kulul uga hadlay xukumadda madaxweyne Muuse Biixi. Siyaasigan ka soo jeega gobolka Sool ayaa si weyn u saluugsan wasiirrada madaxweyne Biixi ka soo xushay gobollada Bariga waxaanu ku tilmaamay kuwo dhufaan ah oo uu ula jeedo kuwo xiniinyaha laga saaray oo bilaa faa’iido ah.

Mr Xaglotoosiye oo la waydiiyay in uu ka sii jeedo Somaliland wuxuu sheegay in uu yahay nin reer Somaliland ah laakiin, haddii madaxweyne Biixi sidan u sii wado qorshihiisa gobollada Bari ay u muuqanayso in lagu khasbo in uu Garoowe ama Muqdisho tagi karo.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker