Tanzania: Shirkad Ka Ganacsata Kaadida Haweenka Uurka Leh

Mas’uuliyiinta dalka Tanzania ayaa baadhayaa shirkad la sheegay inay ururinaysay kaadida haweenka uurka leh si ay uga sameyso dawooyin, sida uu ku warramay wargeyska The Citizen ee kasoo baxa dalkaas.

Waaxda dawooyinka ee Tanzania ayaa lasoo xigtay iyadoo sheegaysa in aanay aqoonsaneyn shirkadda Polai oo la sheegay inay ku lug laheyd ganacisgan.

Wargeyska The Citizen ayaa sidoo kale ku warramay in baadhitaanada ay muujinayaan in shirkadda ay qarsoodi ah ugu howlaneyd urururinta kaadida haweenka uurka leh.

Wuxuu soo xigtay shaqaale ka tirsan shirkadda oo qiraya in kaadida haweenka uurka leh lagu daweeyo dhalmo la’aanta.

Ma jirto caddeyn muujineysa in kaadida banii’aadanka wax lagu daweyn karo, Waaxda dawooyinka Tanzania waxay sheegtay inay qaadi doonto tallaabo marka lasoo gabagabeeyo baadhitaanka.

Source  : https://www.thecitizen.co.tz/tanzania/news/tmda-to-investigate-company-buying-pregnant-women-s-urine-in-dar-es-salaam-3309314

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker