Dagaallo culus oo ka socda dalka Itoobiya

Iska horimaadyo ayaa laga soo sheegayaa ilaa ugu yaraan laba magaalo oo ka tirsan gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya, kaas oo u dhexeeya maleeshiyaad deegaanka ah iyo ciidamada dawladda.

Deegaanka Bure oo 150-km dhanka koonfureed kaga beegan xarunta gobolka ee Bahirdar, dadka deegaanka ayaa BBC u sheegay in dagaal qaraar oo la isku adeegsaday hubka culculus uu dhacay dhamaadkii todobaadkan.

Duqeymo culus ayaa galaaftay nolosha dad rayid ah. Ugu yaraan saddex qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan lamaane isqabay, ayaa lagu dilay afaafka hore ee guryahooda markii weerarku ku dhacay gurigooda, sida ay dad goob joogayaal ah u sheegeen BBC-da.

Weerraro dhanka cirka ah ayaa sidoo kale laga soo sheegay meel ku dhow magaalada Finto Selam halkaas oo dadka u dhaqdhaqaaqa maleeshiyada ay sheegeen in dowladdu adeegsatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn isla markaana dad rayid ah lagu dilay duqeymahaas.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay jiraan weerraro balse BBC-du si madax banaan uma xaqiijin karto in ay jiraan dad rayid ah oo waxyeelo soo gaartay.

Xaaladda ayaa kusoo laabatay magaalooyinka waaweyn ee gobolka kadib markii ciidamada ay dib ula wareegeen todobaadkii hore balse maleeshiyaadka ayaa wali ka howlgala magaalooyinka yar yar iyo tuulooyinka miyiga ah.

Dhanka kale golaha shacabka ee baarlamaanka dalka ayaa la filayaa in maanta oo isniin ah ay kulan ka yeeshaan xaalada degdega ah ee golaha wasiirada ay meel mariyeen ee la xiriirta rabshadaha gobolka ka socda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker