Dawladaha Itoobiya Iyo Israel Oo Kala Sexeexday Heshiis La Xidhiidha Horumarinta Iskaashiga Dhaqaalaha

Reuven Rivlin iyo Mulatu Teshome oo kala ah Madaxweynayaasha Itoobiya iyo Israel ayaa kala sexeexday heshiis Iskaashi oo lagu horumarinayo dhaqaalaha labada dhinac.

 

Madaxweynaha Israel Reuven Rivlin ayaa gaaray magaalada Addis-ababa maalintii talaadada aheyd isgoo ku joogi doono booqasho qaadaneysa saddex cisho .

 

Shir ay si wadajir ah u qabteen labada Madaxweyne ayay ku sheegeen in ay kawada xaajoodeen sidii loo horumarin lahaa dhinacyada Iskaashiga dhaqaalaha ee ka dhaxeeya Itoobiya iyo Israel.

 

Waxay tilmaameen in ay dadaallo dheeri ah ay ku bixin doonaan sidii loo horumarin lahaa  xidhiidhka labada dal, gaar ahaan dhinacyada Beeraha, Teknoloojiyadda iyo Maalgashiga.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker